Gabaygii abwaan cali cilmi afyare

Gabaygii soomaali cudurkay qabtaa waa cilmi la aan iyo ujeedooyinkii uu ka lahaa abwaanku ayaan isku dayeyna inaan wax ka taataabano.



Abwaanka tariikhiisa dhab taha lama hayo balse wuxu noolaa horaanta qarnigii 20aad wuxuu ahaa abwaan cabqari waayo arag ah. 

Gabaygiisan aan maanta faaqidayno halku dhigiisu waa soomali cudurkay qabtaa waa cilmi la aan waa runtiis oo taas waan isla dhaadanahay balse waxa jira wax yaabo kale oo abwaanku kaga hadlay gabaygisan.


Tusaale markuu leeyahay " gobonimada caad baa ku rogan curashadeedii " halkaas waxa ku jira shaki kaga jiray gobo nimada la sheegayo ee la qaatay macneheeda.


Waayo umada soomaliyeed waligeed gob ayey ahayd balse markii reer galbeedku inoo yimid wuxuu inka dhaadhiciyey inaynu ahayn adoomo taas inaga kaliya ma qabin balse dhamaan dalalkii uu gumaystay wuxuu ku khasbay inay gadaashii samystaan maalinta xoriyada.


Maalinta xoriyadu waxay cadanaysa inaad abidkaa ahayd dad la gumaysto oo aan dunida xadaarad iyo taariikh toona ku lahayn taas oo uu uga golahaa gumaystuhu nidaamkiisa uu dunida ka hirgalinayey ee the new world order oo la aas aasay kadib dagaalkii labaad ee dunida.


Nidaamkan oo cadowga kowaad uu lahaa yahay nidaam islaami ah yacni nidaam islaami ah hadii dalalka istiraatiijga ah ee duninda islaamka mid ka mid ah ka curto uu bur burayo nidaamka reer galbeedku.


Wakan gabaygii abwaan cali cilmi afyare bal si fiican u dhuux erayada gunta fog ee gabaygan ku jira.

Previous Post Next Post