Turkey iyo Somalia oo kala saxiixday heshiis ballaaran oo shidaal ah oo u janjeera dhinaca Turkiga
Heshiiska ayaa ka mid ah istiraatiijiyadda Turkiga ee loo yaqaan “Furitaanka Afrika” taasoo Soomaaliya u aragta dal mudan mudnaan gaar ah, iyada oo sababtu tahay istiraatiijiyadda badda ee uu dalkaasi leeyahay iyo kheyraadka dabiiciga ah ee aan wali la sahamin. Sida lagu sheegay dukumentiga, Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ay leedahay 6 bilyan mitir oo kiyuub ah oo ah gaas dabiici ah oo la xaqiijiyey iyo illaa 30 bilyan oo foosto oo shidaal ah oo laga heli karo xeebaha dalka.
Faa'iidooyinka ay Turkiga ka helay heshiiska
Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee la shaaciyey ayaa ah in shirkadaha Turkiga aysan bixin doonin wax kharash ah oo horudhac ah. Qodobka 4.5 ee heshiiska wuxuu meesha ka saarayaa in shirkadaha Turkiga laga rabo lacagaha lagu yaqaan sida "signature bonus", "development bonus", ama "production bonus", sidoo kale laguma khasbayo inay bixiyaan wax khidmad ah oo dhul ama maamul ah. Tani waxay aad uga duwan tahay sida caadiga ah ee heshiisyada batroolka caalamka loogu dhaqmo.
Dhinaca dakhliga, Turkiga waxaa la siiyey nidaam faa’iido u ah oo loo yaqaan “cost recovery”, sida ku cad Qodobka 4.7, taasoo siinaysa shirkadaha Turkiga xaqa ay 90% ka mid ah saliidda ama gaaska ay soo saaraan sanad walba ugu isticmaali karaan sidii ay kharashaadkooda uga bixin lahaayeen – inta aan la wadaagin faa’iidada rasmiga ah.
Soomaaliya dhinaceeda, waxaa loo asteeyey in ay kaliya helayso 5% oo ah royalty ama xuquuq laga siiyo shidaalka, taasoo lagu qaadi karo lacag ahaan ama shidaal ahaan. Qodobkan ma khuseeyo shidaalka dib loogu shubo ceelka ama lagu isticmaalo goobta hawsha ka socoto.
Xorriyadda Turkiga ee suuq-geynta iyo ganacsiga
Qodobka 4.8 wuxuu u oggolaanayaa shirkadaha Turkiga inay si xor ah u dhoofiyaan shidaalka ay helaan oo ay iibsadaan qiimaha suuqyada caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya aysan wax saamayn ah ku yeelan dakhligaas. Sidoo kale, shirkadaha Turkiga uma baahna in ay xafiis rasmi ah ka furtaan Soomaaliya ama shirkad maxalli ah ka diiwaangeliyaan, iyadoo ay u suurtoobayso in ay u wareejiyaan heshiiska shirkado kale ama iskaashi la yeeshaan cid kasta, sida ku cad Qodobka 4.3.
Difaaca, amniga iyo heshiisyo horudhac ah
Marka laga soo tago arrimaha shidaalka, Turkiga waxaa loo oggolaaday in uu qaato tallaabooyin amni oo dheeraad ah si loo ilaaliyo mashaariicda shidaalka, iyadoo qarashaadkaas lagu dari karo kharashaadka shidaal raadinta, sida ku xusan Qodobka 6. Heshiiska wuxuu sidoo kale siinayaa Turkiga suurtagalnimada in uu dacwado la xiriira heshiiska ka furo maxkamad caalami ah oo fadhigeedu yahay Istanbul – taas oo siineysa Turkiga faa’iido sharciyeed dheeraad ah.
Bishii Febraayo 2024, Soomaaliya iyo Turkiga waxay horey u kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo siiyay Turkiga xuquuq gaar ah oo ku saabsan marin badeedka Soomaaliya. Turkiga wuxuu ballan qaaday in uu dhisi doono awoodda difaaca Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada badda.
Sida ku cad dukumentiga la shaaciyey, laga bilaabo Sebteembar 2025, markabka cilmi-baarista ee Oruç Reis oo ay wehliyaan shan markab dagaal oo Turki ah ayaa bilaabi doona sahaminta shidaalka xeebaha Soomaaliya.
Aragtida mucaaradka iyo xiriirka gobolka
Inkastoo dowladda Turkiga ay ku tilmaantay heshiiska mid muhiim u ah ballaarinta saameynta gobolka iyo helidda ilo dhaqaale oo cusub, mucaaradka gudaha dalkaas ayaa dhaliilay. Yankı Bağcıoğlu oo ka tirsan xisbiga mucaaradka CHP ayaa sheegay in markabkan Oruç Reis iyo kuwa la mid ah ay markii hore loogu talagalay badda Bari ee Mediterranean-ka, balse hadda loo weeciyey Soomaaliya sababo la xiriira fashilka siyaasadda arrimaha dibedda ee Turkiga ee gobolkaas.
Dhanka kale, waxaa soconaya dadaallo lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Labada dal waxay bishii Diseembar 2024 ku gaareen heshiis magaalada Ankara oo Itoobiya lagu siinayo marin dekadeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, inkasta oo wali ay socdaan wadaxaajoodyo farsamo.
Gunaanad
Heshiiskaan ballaaran ee shidaalka ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu bixiyaa sawir guud oo ku saabsan istaraatiijiyadda cusub ee Turkiga ee Afrika. Inkastoo uu yahay fursad dhaqaale oo weyn, waxa uu sidoo kale xambaarsan yahay khataro siyaasadeed iyo su’aalo laga qabo saameynta uu ku yeelan karo madaxbannaanida Soomaaliya iyo danaha dhaqaale ee shacabka Soomaaliyeed.