Xaaladda Geeska Afrika

Xaaladda Geeska Afrika: Xilligan Xaadirka ah maxa ka soo jiij jiileh si aan iskula fahano maqaalkan isha mari.


Maqaalkan waxan ku faaqidayna xaalada hubanti la aanta ah ee gobolku qarka u saaran yahay shirqool caalami ah 



Geeska Afrika waa gobol leh muhiimad istiraatiiji ah, hodan ku ah kheyraad dabiici ah, balse ay la ildaran yihiin caqabado badan oo amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale. Xaaladda uu haatan galay gobolka ayaa ah mid ka tarjumeysa isbeddelada siyaasadeed ee ka socda dalalka waaweyn sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan ertriya,  iyo sidoo kale loollanka ay dalalka shisheeye ka wadaan marin-badeedka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka saylac.


1. Xiisadaha Siyaasadeed iyo Colaadaha ka cusboonaaday gobolka


Geeska Afrika wuxuu marayaa marxalad adag oo xagga amniga ah. Soomaaliya wali waxay la daalaa-dhaceysaa dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, inkastoo guulo laga gaaray, haddana weli khatarta lama saadalin karo Itoobiya, ayaa hadda wajahaysa xiisado cusub oo ka soo cusboonaaday gobollka + Ertriya iyo itoobiya ayey hada ka dhanaanatay xaaladuna waxay u eg tahay mid hubka lasku guranayo sida uu sheegay sarkaal sare Tsadkan oo u hadlay itoobiya 



Gobolku wuxu foolanaya xaalad tariikhda gobolka dhanka kale u rogi doonta waa hadii ay sida wax ku socodaan ay sii socoto


Hadii uu qorxo dagaalka itoobiya iyo ertriya kama marnaanyso in soomaliyna isbadalka dhoco shabaab waxay isku diyaarinayaan qabsashada muqdisho ilaa hadana ma muuqato maskax fiyoow oo si tool moon arinkaas uga hortagto 



2. Maxa dhici kara hadii al shabaab ay gacanku haynta mudisho la wareegan?


Hadaba waxa is wadiin mudan sidee xaalku noqonayaa hadii ay nimankaas gacanta ku dhigaan muqdisho. Maadaama ay nimankan reer galbeed dabada ka riixayaan oo u jeedkoodu ahayn aas aasida nidaam islaami ah 


Si aynu taas u fahano waxa lagama maarmaan ah inaan tariikhda dib ugu noqono dhacdadii boosta oo ahayd magaalo dhacda anaadooliya saldanadii salajiqada magaladan waxa maamulayey amiir ma mid ah mariiradii saldanadii salaajiqada oo la oran jiray malig shaah 


Hadaba goor lagu wado inay ahayd bartamaha qarnigii 11aad ee tariikhda miiladiga sanadkii 1198dii ayey waxay la wareegeen magaalada boosta oo ahayd magaalada ganacsiga ee gobolka anatool iyo saladanadii salajiqada 


Mudo gaaban ayey maamulayeen balse falalka ay ka geesteen ayaa ah faalal aan la ilaawi karin ujeedkaygu ma ahaa inaan nimaankaas faaleeyo balse waxaan ka hadalayaa waa natiijada laga dhaxlo urur aan la aqoon sal iyo raad ajandayaashiisu dhankay u socdaan.


Gunaanad


Maqaalkan waxa aan ku soo gudbiyey aragtidayda oo kaliya balse adigu faalo waad ka dhiiban karta aragtidadaa iyo siday wax kula muuqadaan.

Previous Post Next Post