Dhacihii jabsi ee lacagaha digitaalka ee abid ugu waynaa

Weererkii jabsi ee Yaabka Lahaa ee Bybit: Sidee Loo Xaday Lacagta? Yaa La Beegsaday?


Dhacii jabsi ee abid ugu waynaa tariikhda kaas oo lagu dhacay shirkad ka shaqaysa dhanka kala warejinta lacagaha digitaalka ee internetka 



Weerar dhanka internetka ah oo gilgilay saaxada lacagaha digitaalka ee maaliyadeed  ayaa sababay in burcad lagu tuhunsan yahay kuuryada waqooyi ay ka xadaan qiyaastii $1.5 bilyan oo lacagta dhijitaalka ah shirkadda Bybit, oo fadhigeedu yahay Dubai. FBI ayaa xaqiijisay dhacdadan, taasoo noqotay xatooyadii ugu weyneyd ee abid lagu sameeyo lacagaha dhijitaalka ah.




Sidee Loo Xaday Lacagta?




Weerarku wuxuu dhacay 21-kii Febraayo 2025, markii tuugadu ay jabsadeen wallet cold(cold wallet) ee Bybit, oo ah kaydka ugu aaminisan lacagaha dhijitaalka ah. Iyagoo adeegsanaya malaweer casri ah, waxay xakameeyeen nidaamka wareejinta lacagaha si ay ugu muuqato in lacagaha loo dirayo ciwaan sax ah, halka dhabta ay u wareejinayeen ciwaanadooda qarsoon. Markii la ogaaday, lacagtii horey ayey u lumisay.



Kuwa Falka Sameeyey



FBI waxay weerarkan la xiriirisay Lazarus Group, oo ah koox jabsadayasha internetka oo ay taageerto dawladda Waqooyiga Kuuriya. Kooxdan oo sidoo kale loo yaqaan TraderTraitor, waxay caan ku tahay weerarada ay ku bartilmaameedsadaan shirkadaha maaliyadda si ay lacagaha u isticmaalaan maalgelinta barnaamijyada gantaallada iyo hubka nukliyeerka ee Waqooyiga Kuuriya.



Sidee Lacagta Loo Maydhay?



Kadib xatooyada, tuugadu si degdeg ah ayey u kala firdhiyeen lacagta. Waxay Ethereum-ka u beddeleen Bitcoin, kadibna waxay ku kala qayb-sadeen kumanaan ciwaan oo ku kala firirsan blockchain-yada kala duwan. Habkan wuxuu ka dhigay raadraacista lacagta mid aad u adag, taasoo caqabad ku noqotay in dib loo soo celiyo hantida la dhacay.



Saamaynta & Jawaabta Caalamiga ah



Dhacdadan ayaa dareen weyn ka dhalisay adduunka, waxayna muujisay in khatar weyn ay ku jirto nidaamka lacagaha dhijitaalka ah. Bybit waxay ballan qaaday in macmiisheeda aysan wax khasaaro ah la kulmi doonin, waxayna la shaqaynaysaa hay’adaha ammaanka si dib loogu soo celiyo lacagaha la xaday. Sidoo kale, shirkaddu waxay billowday barnaamij abaalmarin ah oo lagu siinayo qofkii gacan ka geysta raadraacida lacagaha la xaday.



Khatarta Jabsashada Wali Wuu Sii Kordhaya



Dhacdadani waxay muujinaysaa khatarta sii kordhaysa ee ay keeneen kooxaha jabsada internetka ee dowladuhu taageeraan. Waqooyiga Kuuriya waxay si aad ah ugu tiirsan tahay xatooyada dhijitaalka ah si ay uga fogaato cunaqabataynta caalamiga ah una maalgeliso qorshayaasheeda milatari.



Previous Post Next Post