Dhalinyarada somaliyeed waxay akhbaleen in badohooda cadow aan u qalmin uu ku raaxaysto?

Waa goorma goorta ay wax fahmayaan dhalinta somaliyeed ee ayka dhiidhinayaan bahdilaada iyo fool xumada loo gaysanayo 

Waa ayaga waxa mustaqbalkooda iyo soolyalkodaba lagu ciyaarayo maaliba maalinta ka danbaysa wax fool xun oo aan umad damiir iyo dhiig ku haray aysan u dulqaadan karin ayaa lagula kacayaa





Maalin badooda iyo khayraad kooda ayaa cadow aan u qalmin loo gacan galinaya  maalin mustaqbalkooda iyo noloshooda ayaaha ayaa suuqyada madow ee caalamka lagu kala gadayaa 

War waxaan wax ka badane umadaan ma sixan tahay maxa loo yiraahda somalidu waa dadka africa ugu geesisan iyo waa kuwa ugu mayalka adag 


Dunidan aad arkaysaan waxa soo maray dhacdooyin waawayn umad kasta oo dunidan ku dhaqan waxay soo martay xaalad marka la faaqido u ekaanaysa mid aan macquul ahayn balse umad waliba si ayey uga faagatay dhacdooyinka gudeed iyo tariikheed 


Soomalidu waxay ku maah maahda may waxa ugu danbeyey kaa la sii sido ayhob halkan maah maahda inaan qaldayo balse ujeedkaygu waa mudo konton sono sii caga cagaynaysa ayaa suurya ku jirtay xaalad inka liitadata balse maalin dhowayd ayey iska dulqaadeen heeryadii gumaysiga calawiyiinta


Oo ah mid ku dhiig ah oo la dhashay ma aha gumayste uga soo doolay dawlado kale ee waa mid ka dhashay oo la dhashay inaguna xaaladaas ayaan ku sugan nahay 


Mida kaliya ee aan uga liidano waa wax aan inagu isku gaysanay iyo wax la inoo gaystay taas oo ay ka dhalatay waxa la yiraahdo fedaralsim oo ah system gabi ahaanba fayrus ah 


Taas oo gumastayaasha reer galbeedka ugu suurto galisay inay inoo qaybiyaan maamullo yar yar anigana waxa kaliya ee in dhahaygu hayaan ayaa ah reer galbeedka lakiin waxa ka daran dawladaha inala dariska ah iyo kuwa muslimka inala sheganaya ee turkiga iyo carabta 


Waxa kaliya ee la doonayo ayaa ah sidii laynoo wiiqi lahaa saaxada dunidana lanooga tirtiri lahaa ama dawlado faceen ah laynoogu gacan galin lahaa indheheena oo shan ah ayaa la rabaa in khayraadkeena si fudud umado kale ugu raaxaystaan


War goorma ayeynu dad noqonayna iska dhiciya cadowgooda la dhashay iyo kan inagu soo duulay war goorma ayeynu fadhiga ka kacaynaa goorma aheynu iska daynaynaa qabyaalada iyo indhaha xooga badan ee inagu isku leenahay goorma ayeynu cadowgeena ku arkaynaa indhaha qabyaalada ee xooga badan 


Ugu danbayn waxan umada somaliyeed gaar ahaan dhalinyarada somaliyeed ugu baaqaya inay ka dhiidhayaan foolxumada iyo daciifnimada cadowgoodu uga faaiidaysanayo ee badeeehana iyo dhulkeena baalimba maalinta ka danbeeysa cadowgu uu iska xalaalaysanayo 


War ma waxaad akhbasheen in dhulkeena iyo badeheena cadow iska xalaalaysto oo umada kale khayraadii allle wayne noogu deeqay inay isga raaxaystaan inaga oo ka qatan inaga oo aduun waynaha qaxooti ku ah in umad kale si fudud oo aan dhiig ku daadan inay isga xalaalaystaan taas waxaan aqbali karno ma ahaa waxa aan idiinkaga digayaana waa wax soo socda 


Somalidu waxay ku maah maahda ninkaan wax soo socda ka talin wax taagan kama taliyo

Previous Post Next Post