Maxad ka taqaan shaxda jare oodayga?

Warbixin Ku Saabsan Shaxda Dhaqameed ee Jare-Ooday:


Shaxda dhaqameed ee loo yaqaan Jare-Ooday waa ciyaar dhaqameed caan ka ahayd odayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan waqtiyadii hore. Shaxdan waxay leedahay taariikh iyo faa’iidooyin dhaqameed oo muhiim ah. Warbixintan waxaan ku eegayna shaxdan sida loo ciyaari jiray iyo sooyaalka tariikheed waxayaabo badan oo aadan ka ogayn ka ogow akhriste



--------------------------------------------------------------


 1. Waa maxay Jare-ooday maxayse tahay tariikhdiisu?


Jare-Ooday waa ciyaar dhaqameed lagu ciyaari jiray goobaha bulshadu isugu timaado, sida fadhi-ku-dirirka odayaasha. iyo shirarka Waa nooc ka mid ah ciyaaraha maskaxda oo lagu tartamo caqliga, xisaabinta, iyo xeeladeynta. Ciyaartan waxaa loo isticmaali jiray dhagxan kala nooc ah oo yaryar, ama qoryo lagu sawiray goobo ka kooban xariijimo ishoos yaal. 


Jare-oodaygu wuxu dib ugu noqnoqaya boqortooyoyinkii faraciyiinta sida uu buugiisa (History of the Horn of Africa) ku cadeeyey (Iamluws oo ah qoraa iyo faylasuuf badmareen inta badan ka faalooday mandiqada geeska africa iyo xadaaradihii isaga kala danbeeyey inta u dhexeysay bartamaha qarnigii sagaal iyo tobnaan ilaa kiii todobiyo tobnaad ee tariikhda miiladiga 



---------------------------------------------------------


2. Yaa ciyaari jiray Jare-Ooday mase jiraan umado la wadaaga somalida?


Jare-Ooday waxa badanaa ciyaari jiray odayaasha waayeelka ah iyo dadka waaweyn. Inkasta oo ay marmar caruurta da’ yarta ah ka qayb qaadan jireen, haddana ciyaartan waxaa badanaa la xidhiidhin jiray dad waayo-aragnimo iyo xikmad badan leh. Odayaashu waxay ciyaartan ku ciyaari jireen si ay maskaxdooda ugu tababaraan, ugana madadaasho.


Jara-oodaygu wuxu ku fidsan yahay geeska africa dalalka yaman iyo omaan carabtu waxa jira caadowyin dhaqmeedyo ay somalida jaar kula tahay kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqashada geela iyo badi xoolaha somalidu dhaqato ganacsatadii badmaaxayada ahayd ee u kala safri jiray geeska africa iyo bariga ayaa carabtu ka dhaxashay jara-oodayga kaas oo loo adeegsan jiray mararka qaar xaalado u bahan si loo xaliyo maskax firfircoon


---------------------------------------------------------


3. Goorma ayaa la ciyaari jiray?


Jare-Ooday waxaa badanaa la ciyaari jiray waqtiyada firaaqada, sida habeenkii markii hawlaha maalinta la soo dhameeyo. Xilliyada roobka, markaan bannaanka shaqo laga qaban karin, ciyaartan ayaa noqon jirtay mid aad loo qabto. Sidoo kale, waxay caan ku ahayd munaasabadaha dhaqanka iyo shirarka odayaasha.


Waxa kale oo loo adeegsan jiray arimo milatry sida qidadaha xeeladaha dagaal


Sayid maxamed abdulla xasan ayaa xeelado dagaal u adeegsaday sida dagaalkii isbahaysiga gumastayaashii reer yurub ee afbakayle sida uu buugiisa xusuus qorka ku sheegay madixii talyaaniga u qaablisanaa geeska africa (Rodolfo Graziani) Isaga oo arinta daah qaadaya ayuu yiri wadamo badan ayaan ka soo dagaalamay waxana khibrad sare u lahaa xeeladaha milatry juquraafiga dhulka iyo sida loogu dagaallamo balse wali ma arag umana soo joogin xeeladaha millatary ee ciidamadii sayidka khidad aan mudo lix bilood ah faaqidaynay ayey si fudud ku kala fureen nooga raayeen waxan baritaan ku sameeyey kuliyada milatary ee uu ka soo baxay sayid abdulla xasaan.



Balse markaan baritaankayga waday buu yiri modo 7 sano ah ayaan waxan wayey kuliyadii uu sayidku ka soo baxay oo uu ka soo qaaday xeeladaha milatary balse waxan ogaaday wax arintaas oo dhan ka guda wayn waa shax ay ciyaaraan odayada reer baadiyaha ah ee somalida taas oo u ah qaado dhaqameed markaas oo ahayd buu yiri dabayaqadii burburkii daraawiishta ayaan odayo ka mid ahaa qusuustii sayidka waydiiyey kuliyada milatary ee sayidku ka soo baxay wauxu iigu jawaabay sayidku kuliyad milatary kama soo bixine wuxuu ahaa wadad diimeed lakiin shaxdiisa milaraty wuxu u adeegsan jiray jare oodayga taas ayaa  fajiciso igu abuurtay buu yiri waxan guda galay inaan waxa ka ogaadob shaxdaan uu odaygu ii sheegay balse waxaan ogaaday inayba ka khatarsan tahay kuliyado badan 


-----------------------------------------------------------------


4. Xaggee lagu ciyaari jiray?


Ciyaartan waxaa lagu ciyaari jiray meelo furan, sida geedo hoostooda, ama xeryaha reer guuraaga. Haddii ay dhacdo in lagu jiro deegaan magaalo ah, waxaa lagu ciyaari jiray meelaha fadhiyada lagu nasto, sida goobaha odayaasha lagu kulmo.



-------------------------------------------------------------------


5. Maxaa loo ciyaari jiray Jare-Ooday?


Jare-Ooday waxay lahayd ujeeddooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin:


Madadaalo iyo waqtiga oo si wanaagsan loo qaato.


Maskaxda oo lagu kobciyo xeelado cusub.


Dhallinyarada oo lagu baro xikmadda iyo dulqaadka.


Bulshada oo lagu xoojiyo xiriirka iyo wada-noolaanshaha.


Waxay baal dabab ah kaga jirtaa suugaanta taas oo lagu qeexay gabayo badan waxana ka mid ah gabayadaas 


Gabay aanan ta garanayn labadii abwaan ee is dhaafsanayey markay shaxda ciyaarayeen.


Kunnin noo wada shaxdoo shir iyo ceel jooga oo aan shaati xoolaha lahayn wadana shawraysa oo wadana shiilmadowoo cadaan cidi ku sheegaynin haa gabay nin shaacira ku tahay sheeg hadaad garato tanaa dagay 


Kii kale oo u halkeninya ase aanaan hayn gabaygii uu xujadaa ku furay ayaa hadana mid kake isagana ku hal xeraalyey wuxuna yiri 


shawa ninaam lahayn oo caruur shaaribada haydso hadaa gabay nin shaacira ku tahay sheeg hadaad garato tanaa dagay 


Ninkan wuxu inoo sheegaya waa nin aan dhalin oo wax shahwo ah ba lagayn hadan caruur shaaribada hayso yacni caruurtiisa fara badnaantooda ayuu inoo sheegaya waa xujo yaab leh 


Waxa kale oo xusid mudan gabaydii ay is shaafsadeen gabayaagii salka u dhigay oraaahda gabayda muqadimada u ah taas oo ah (Hoyaalyey Hoyaalayey Hoyaalaye hooye) raage ugaas warfaa iyo garaadkii bartire garaad faarax garaad wiil waal.



Sheekada labadan nin dhex martay waa sheeko dheer balse inagu waxan ka soo qaadanayna markay shaxda ciyaarayeen gabaydiii ay is dhaafsaden garaad farax garaad wiil waal ayaa wuxu balamiyey gabadhii labada nin isku haysteen iyo gabar kale oo raage ugaas markaas loo meheriyey si loo ilowsiiyo gabadhii uu dhibta badan ka so maray sidii uu u heli lahaa oo rag kale oorideeda noqotay.



Ayaga oo dul fadhiya shaxdii raage na gacanta midig ku haysto hubkiisii gacanta bixina ku xabad qaadaya shaxda ayaa markaliya kortooda waxa soo martay gabadhii uu jeclaa si yar ayuu u yara daymooday isga oo gacanta iyo faraxaha garaad faarax isha ku haya oo si dhiifoon uga digtoon Balse garaad faarax ayaa gabay kaga nixiyey  oo yiri.


War khaylida jilbaha loo dhigay iyo jaaha waliciisa ha jaleecin wiil baa uga dhacay tobanka jiiroode tanaa dagay.


Raage isaga oo shaxdii halqaadaya ayuu yir.


War geenyada raglihi qoofashee qolalka daaqaysa qiyaas li'i ninkii ugu tagow qoomama xigi tanaa dagay.


Faraax wiil waal ayaa ugu hal celiyey oo yiri.


Qumaba malab ah oo meel qodoma oo nin lihi quuto qooraansigiisaa u daran quudaan la cunaynin tanaa dagay.


Raage ugaas oo jaraha xabad qaadaya dhuuxayna miraha erayda gabay ee uu garaadku shaxda ku furay ayaa ugu jawabay 


Qumba malab ah oo meel qodobma oo lawada quudan ma naloo noonsanahayaa haday daymo noo qabato tanaa dagay. 


Faarxa garaad wiil waal oo ka quusatay eraydii gabay iyo aftahanimada raage ugaas ayaa xaajada u badalay faan iyo tookh wuxuna yiri 


Faska kaatumeed baan ihiyo fooqyadaa sare firaashkaas cadmeed baan ahyihiyo firin aan liicayn ragu kala firiidsane ninkaas faraaxaan ahaye tanaa dagay.


Raage ugaas oo arkay diciifnimda garaadka ayaa ugu jawaabay 


Faska kaatumeed waa wixi fariba qaada firaash kaas cadmeedna waa wixii dumar ku seexda wixii aan fariixayna birbaa lagu fariiraa tanaa tagay.


Faarax garaad wiil waal ayey ka dhanaanatay markii faankiisii iyo tookhiisii waxba yahay laga soo qaaday wuxuna bilaabay hanjabaad iyo inuu xaalada gacan ka hadal u badalo wuxuna yiri.


Ninkii aabihij toban qaalin dhalay qona kaa fiican ma la qoonsanaayaa haduu xilaha kaa qaado tanaa dagay.


Raage ugaas isga qudiisu markaan way ka dhanaanaatay waana la xiniiyo taabtay wuxuuna goostay arinta in uu halkaas ku soo  gaba gabeeyo wuxuna yiri


Ninkii aabihii toban qaalin dhalay qolona kaa liidan ma la qoon sanaayaa haduu rubada kaa qaado ) oo amlaydiisii rubada ka waraabshay markii uu rubada kaga dhaabay inta kor u booday hooto dhagalay ah feeraha  kaga shalwiyey.


Markaas ayuu intuu soo qabsaday geensadiisii iyo xaaskiisii gabay kale goobtii ka mariyey wuxuna yiri



Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye qab qabdhaafay baa labo qabiil qaran ku waydaaye qar ha dumo qiyaamna hadhoco qoysna yuu harine wale faarax qooqaan ku dilay qoomamayn maayo.


Sheekadiiina halkaas ayey ku soo idlaatay


----------------------------------------------------------------


6. Sidee ayaa loo ciyaari jiray?


Jare-Ooday waxaa lagu ciyaarayay iyadoo la adeegsanayo shax la sawiray oo ah xariijimo isku xiran (loox ama ciid lagu sameeyo). Labada dhinac ee ciyaaraya ayaa mid waliba lahaa tiro dhagxaan ah. Ujeedadu waxay ahayd in la jebiyo xeeladda ninka kale iyadoo dhagxaanta la isku xiro ama la isku xakameeyo si uu kan kale u waayo dhagxaantiisa oo dhan.



7. Sidee ciyaartan caalamka tecnolojiyada loogu soo dari karaa?


Anagoo ka faiidaysana majaalka tecnolojiyada gaar ahaan luuqadaha mashiinka ee programminka inaan u badalo game si furan loo ciyaari karto taasina ma sahalna oo waxay u baahan tahay daraysan badan iyo inaan wax badan ka ogaano luuqadaha programmingka iyo game develomentiga.



Wixii talo iyo tusaala ba ah waxaad noogu reebi kartaa qaybta faalooyinka...


-----------------------------------------------------------------


Gunaanad


Ciyaarta Jare-Ooday waxay ahayd mid ka mid ah dhaqamada soo jireenka ah ee hodanka ku ah dhaqanka Soomaalida. Waxay leedahay muhiimad taariikheed iyo bulsho oo ka tarjumeysa xikmadda iyo farsamada iyo xeeladaha mSoomaaliyeed. Waa ciyaar u baahan in la ilaaliyo si jiilasha soo socda uga faa’iidaystaan dhaqanka hodanka ah ee Soomaalida.


Previous Post Next Post