Digniin ku socota dadka isticmaalla Barnaamijka capcut

Waa maxay Spyware waa nooc ka mid ah software-ka waxyeelada leh (malware) oo loo sameeyay in si qarsoodi ah xogta uga uruuriyo qofka isticmaala qalabka, sida kombiyuutarka ama telefoonka gacanta.


Waxyaabaha ay qabato:


1. Dabagalka dhaqanka isticmaalaha: Waxay la socotaa bogagga aad booqato, barnaamijyada aad isticmaasho, iyo xogtaada shaqsiyeed.



2. Xog xatooyo: Waxay qori kartaa furaha sirta ah (passwords), macluumaadka maaliyadeed, ama fariimahaaga.


3. Khadka internetka ku soo xambaarta xayeysiis aan loo baahnayn (Adware).


Sida looga hortago:


Adeegso antivirus iyo barnaamijyo anti-spyware ah.

Ka taxaddar inaad furto xiriiriyeyaasha iyo lifaaqyada shakiga leh.

Cusbooneysii software-kaaga si joogto ah.

Spyware waa khatar weyn maadaama ay ku xadgudubto sirtaada haqsiyeed.


Maxay tahay dhibaatada ay ledahay:


Hadaba barnaamijkan capcut wuxu isticmaala xogta aan kor ku xusnay waxana Iska leh hay'ada sirdoon ee Dalka China ee loo yaqaan National Intelligence Agency (Agencia Nacional de Inteligencia – ANI).



Waxayna uruurinaysa dhamaan Xogtaan hoos ku xusan:

1. Waxay awood u leedahay inay daalacto notficationska kuu Soo dhacay ama fariimaha kaaga imaanaya WhatsApp ka Facebook iyo dhamaan meel walba oo fariin kaaga imaan karto.


2. Waxay awood u leedahay inay akhriso sawirada kuugu kaydsan mobile kaaga iyo storage kaaga waxa ku jira waxana kama qorsoona.


3. Waxay awood u leedahay inay akhriso video ka ugu jira storage ka mobile kaaga ama computer kaaga.


4. Waxay awood u leedahay inay akhriso location kaaga iyo audio ga ama codadka ku kaydsan mobile kaaga. 


5: Waxay awood u leedahay inay dhagaysto calliska aad ku hadlayso ama wicitaanadada iyo dhamaan waxa idin dhex mara asxaabtada.


Hadaba waxan idiinkaga digayaa barnaamijka noocan ah 

Aniga  oo caawa baaritaan ku samaynaya barnaamijkale ayaa waxa iga soo hor baxday digniin sheegaysa in Spywere iigu kaydsan yahay mobile ka markaan sii dabagalayna waxan arkay arinkan yaabka leh isla markiina roobadayda ayaan ka rartay capcut.



Previous Post Next Post