Tatiikhda iyo sooyaalka fog ee umada somaliyeed

Taariikhda iyo Sooyaalka Fog ee Umadda Soomaaliyeed




Hordhac

Magaalooyinkii qadiimiga ahaa ee ku teedsanaa xeebaha dhaadheer ee Soomaaliya waxay ahaayeen xarumo ganacsi oo muhiim ah. Magaalooyinkaas waxay marti geliyeen ganacsato ka kala yimid Carabta, Hindiya, Jayna, iyo xitaa Yurub. Waxaa jiray saldano badan oo ka talin jiray gobolka Geeska Afrika, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Saldanadihii Ifat iyo Adal, kuwaas oo xaruntoodu ahayd magaalada Saylac.

Saldanaddii Ifat

Boqortooyadii Ifat waxaa aas-aasay Suldaan Shiikh Cumar Danyahus, oo ahaa awoowaha Shiikh Yusuf Axmed Al-Kowneyn. Suldaan Cumar wuxuu dhisay boqortooyo xooggan oo ay ujeedadeedu ahayd mideynta dhulka Muslimiinta ee Geeska Afrika. Ifat waxay ku fidday ilaa bartamaha Itoobiya, gaar ahaan gobolka Shewa.

Balse, horumarkaas waxaa ka carooday imbaraadooriyaddii Xabashida, oo dagaal la gashay Ifat. Sida taariikhyahannadu sheegeen, Suldaan Cumar wuxuu geeriyooday 1275kii Miilaadiga, waxaana xukunka isaga dambeeyey afar wiil oo uu dhalay: Xaqdhin Cumar, Nasrudiin Cumar, Xusayn Cumar, iyo Cali Cumar.



Xiisaddii Xabashida iyo Dagaalladii Ifat

Markii la gaaray 1320kii Miilaadiga, Imbaraadoorkii Xabashida, Andar Siyon, wuxuu digniin u diray Boqorkii Masar, Al-Nasar Maxamed, isagoo uga digaya in Masar ay taageerto Ifat. Wuxuu xitaa ku hanjabay inuu biyo-xireen ka dhisi doono ilaha Wabiga Niilka ee ka soo burqanaya Itoobiya, taasoo Masar aad uga walwashay.

Si looga hortago Xabashida, Suldaan Sadiq-Diin, oo xilligaa hoggaaminayey Ifat, wuxuu amray jihaad ka dhan ah boqortooyadii Xabashida. Ciidamadii Ifat waxay jabiyeen Xabashida, waxayna burburiyeen kaniisado badan. Imbaraadoor Andar Siyon wuxuu ka dalbaday Suldaan Sadiq-Diin inuu soo celiyo hantidii laga qabsaday, balse Suldaanku wuxuu amray in ergadii la soo diray la dilo, maadaama ay diideen inay Islaamaan.

Tani waxay keentay dagaallo hor leh, waxaana la sheegay in dagaalladaas ay la mid ahaayeen dagaalladii Salibiyiinta ee ka dhacay Bariga Dhexe. Markii la gaaray 1376kii, Suldaan Saadiq-Diin Maxamed wuxuu la wareegay xukunka, wuxuuna sii waday dagaalladii ka dhanka ahaa Xabashida.

Saldanaddii Adal iyo Dib u Dhiskii

Sanadkii 1415kii, Saylac waxaa dib ugu soo laabtay carruurtii Suldaan Saadiq-Diin, oo markii hore u qaxay Yemen. Curadkii Suldaanka, Sabra Ibnu Saadiq-Diin, wuxuu halkaas ka aas-aasay saldanaddii Adal. Magaca Adal wuxuu asal ahaan ka yimid Awdal, oo ahaa gobol ay Soomaalidu dagi jirtay.

Sabra A-Diin wuxuu dhisay saldanad xooggan oo la dagaallantay Xabashida. Markii uu xukunka ku adkeeyey, wuxuu boqortooyadii ku wareejiyey walaalkiis, Jamaal A-Diin, kaasoo la wareegay xukunka 12kii Sebtembar 1429kii. Isla sanadkaas, Jamaal A-Diin wuxuu weerar ku qaaday boqortooyadii Xabashida, wuxuuna dilay Imbaraadoorkii Xabashida, Yaashe.

Gunaanad

Dagaalladii u dhexeeyey Saldanaddii Adal iyo Xabashida waxay socdeen muddo dheer, iyagoo ugu dambeyn horseeday hoggaamiyihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Imaam Axmed Gurey, inuu hoggaamiyo guulihii ugu waaweynaa ee Adal gaartay.

Qaybta xigta ee maqaalka, waxaan ku lafaguri doonnaa guulihii taariikhiga ahaa ee Saldanaddii Adal iyo dagaalladii ay la gashay boqortooyadii Xabashida.

Previous Post Next Post