Tariikhdii suldaan maxamed alfaatix!

Waa kumuu ahaa hugaamihii furtay magalada qusdan diinya suldaan Mohamed  al-faatix

Waa ninkii furtay magaalada qusdan-diiniyya ee kadib loo baxshay islam buul Haddana loo yaqaan Istanbul ee caasimadda turkiga .

Waxa uu dhashay 835 tii hijriyada …waxaana uu ahaa suldaan kii dhidibada u taagay dowladii islaamka oo mid ah dawladii soo daadihineeysey dunida islaamka in ka badan 600 sano ee cusmaaniyiinta loo yiqiinay …waana suldaankii ugu adkaa uguna firfircoonaa ee soomaray dowladaas…uguna dadaal badnaa …ahaana mujaahidkii weeynaa e caanka ahaa .

dagaalyahan meelo badan kasoo dagaallamay buu ahaa laakiin jihaadkiisii kiisii ugu caansanaa abid waxaa uu ahaa kii uu ku furtay qunasdandiin kadib cunaqabateyn 51 casho uu ku saaray kadib ku qabsaday magaaladaasi taariikh du markeey ahayd 24 tii jumaadul-awal sanaddii 857 dii  hijiryada, isagoo 24 jir ah.

Nin saaxibul karaamaadka ah buu ahaa oo wali ilaaheey ah ….suufi ah …Ahlusunna Waljamaacah ah …waxaana uu xukun ka soo hayey 31 sano …oo ah ilaa uu ka dhinto sanad ku markuu ahaa 886 dii hijriyada…waa sida ku xussan kitaabka loo yaqaan min samadhal nujuum alcawaalii fii abnaa al-awaa,il wal tawaalii ,ee u qoray cabdul Malik bin xusien alcussaamii almakiyyi ee ilaah oofsaday sanadii 1111 hijriyada …juzkiisa afraad ,baalkiisa lixdan Iyo todobaad.

Bishaarada nabiga ee ku wajahan suldaankaas

Waxaa lagusoo wariyey musnadka imam Ahmed bin xanbal xadiithka lanbarkiisu yahay 18189 aad oo sidatan u dhigan Kuwa soo wariyey sanadkoodana lagu kalsoonyahay.

Waxaa inoo waramay cabdullaahi bin maxamedbin abii sheybah..Anna aan ka maqlay isla cabdalla bin maxamed bin abii sheybah laf ahaantiisa ,isna uu u warramay zeyd bin alxubaab …isna waxaa uu kasoo qaaday warkaas oo u warramay alwaliid bin mugirah al macaafiri …isna waxaa uu warkaasi u warramay oo uu kasoo qaaday saana ku yiri cabdalla Bintu bishrin al-kath maciyyu …isna saa waxaa ku yiri aabihii oo isna hadalaas dhagihiisa kaga maqlay nabiga nabad Iyo naxariis eebbe haku galladeeytee oo leh sidatan .

{{{ muslimiinta waa eey furan doonaan o waa eey furan meesha qusdan-diin layiraahdo waana la mahadin oo waa la mahaddin amiirka meeshaas furan doono oo kheyr qabe ah Sido kale waxaa iyana kheyr qabayaal ah oo la mahaddin doonaa ciidanka halkaas furan doono…oo ah isaga ciidankiisa…}}}} dhammaad hadalka nabiga .

Xadiithkaas waxaa uu ku xussan yahay musnadka imam Ahmed bin xanbal waana xadiithka lanbarkiisu yahay 18189 aad…waana xadiith dhab ah oo lahubiyey.

Ammaan taas nabiga sidaas u ammaanay qof kastaa oo muslimka laga soo bilaabo saxaabdii waxaa uu isku dayi jiray in uu hanto…laakiin nasiib darro Nina nasiib uma yeelan aan ka aheyn Kheyr-qabe mujaahid maxamed alfaatix althaani oo nabigu Uga marqaati kacay in uu ahaa qof kheyr qaba o la mahadindoono …..waana dhacday taasi …..waxaa uu ahaa Ahlusunna Waljamaaca ,suufi ah , nabiga xusa.. waana marqaati nabiga inooga marqaati kacahayo wanaaga caqiidayada ah Ahlusunna Waljamaaca …sax ahaanteeda waayo hadii uu caqiido xun heeysan Lahaa ninkaaan nabigu ma ammaaneen…..xadiithka nabiga 800 sano kadib waxaa xaqiijiyey amiirkaas…..waana ninkii dhidibada u aasaasay dowladii cuthmaaniyiinta oo islaamka soo daadihineeysey in ka badan 500 sano Islamka oo mid ah …waana lamahadiyey sida uu nabiga inooga bishaareeyey.[…]
Previous Post Next Post