Tan iyo intii ay bur burtay dawladii dhexe ee milariga ah hayd ee ay soo ifbexeen jamhado fawdo ah dabayaqadii sanadkii 1991dii waxa dalka ka dhacay doorashooyin lagu unkay nidaam baarlamaani ah kaas oo aan lahayn sharci adag iyo qawaaniin xadaysan ee iska ahaa nidaam ku meel gaar iyo mid lagu tilmaamay qabyo.
Mudo barkii aritaas lagu soo caano maalay somalina loogu canqariyey tariikho mugti ah iyo dawlado aan macno wayn ku fadhiyin. Ayaa maalin dhowayd waxa soo is taagay dhawr madaxda maqaar saarka ah ee dawlada fedaralka iyo mamul goboleedyo dhawr ah oo puntland ay ka madax banaan tahay.
Mudo markii la maag maagtay ayaa waxa lagu dhawaaqay labo arimood oo wada qabashadoodu u baahan tahay maskax shiilan iyo talo la kar kariyey. Labadaas arinood oo kala ah in si deg deg ah dalka looga qabto doorsho qof iyo cod ah. Iyo in laga guuro nidaamka baarlamaaniga ah loona guuro nidaam awoodo dhan madaxtooyada ku kooban tahay.
Labadaas arimood markii miiska la soo saaray mid muran badan ayaa ka yimid midna waa lasku raacay. Markii aan arinta u dhabo galay waxa ii soo baxday labo arimood mid kood.
1: in siyaasiyiintii fawdada wax ku haab haabtay ay isku lod ahaayeen oo ay ka xararayaan in jiilka cusub uu sidii ay wax ku wadi jireen wax ku wadaan oo ayaga ay u noqodo dhaxal laga dhaxlay sidaasna ay xiriirka isugu hayso.
2: in bulsho waynta somaliyeed siyaasiin iyo shacaba ay ka daaleen nidaamka 320 ka xubood ee daarta inta lala galo caloosha loo buuxiyo ayaguna ay ka dhigaan hali maalin ceel joogtay.
Labada qodob kan danbe ayaa waxa ka yimid khilaaf iyo muran xoogan taas oo dadka qaar ku andacoonayaan in nidaamkan madaxtooyo labo jeer dalka laga hirgaliyey labada jeerna lagu fashilmay yacni mar afti dawyne ayaa loo qaaday sidaas ayaana aadan abdulle cisaam loogu doortay nidaam maxtooyo sanadkii 1967 kabacdina habka awood qaybsiga golayaasha fulinta ayaa lasku fahmi waayey sidaas aayaa looga guuray nidaamkaas.
Markii xigtay waa afgambigii milatariga sanadkii 1969kii ciidankii oo awooda isugu geeyey madaxtooyada taasina waa tan dhalisay in gabi ahaanba dalku burburo tababtoo ah waxa ka dhalanaysa kursi laysku dhajiyo iyo kacdoono bulsho iyo qalalaanso amni oo sababa in dalku xagta la galo wadadii guuldarada hagaag.[…]