Inta aynaan isdul taagin aragtidaas aan wax yar dul marno khudbadii MW xasan shiikh uu ka jeediyey salaadii jimaha masjidka maxtooyada villa somalia.
Khudbada maxwaynaha waxay daaranayd codsigii ka mid noqoshada dallada bulshada bariga africa oo loo soo gaabiyo EAC oo aqbashay codsigaas ayuu bogaadinayey balse khudbadu way dheerayd wuxuna kaga faalooday arimo badan oo la xiriira dawladnimada.
Hadaba maxay tahay aragtida mihiimka ah ee loo bahan yahay in lagu taageero madaxwayne xasan shiikh. Sida aynu la wada socono waxa maalin dhowd go.aan soo jeediyey golaha wada tashiga qaran oo ka kooban Maamul goboleedyada iyo dawlada federalka taas oo maqane ka ahayd puntland. Go-aan kaas oo daarana in dalka laga hir galiyo doorasho qof iyo cod ah iyo in laga guuro nidaamka baarlamaaniga.
Loona guuro nidaamka xisbiyada badan oo ku salaysan awooda maxatooyada kaas oo muran xoogan kaga yimid darafyada saamileeyda siyaasada. Taas oo maxwayne dani si wayn uga carooday oo uu ku andacooday inaan lagala tashan. Ayaa maxwayne xasan shiikh si fiican u lafa guray inkasta oo ay ila tahay inaysan dad badan dhicin qodobka mihiimka u ah bulsho waynta somaliyeed ee uu maxwayne xasan shiikh taabtay.
Dawladnimda somaliya laga soo bilaabo doorashadii carta ilaa tii ugu danbaysay ee lagu doortay Institution ka hada jooga ayaa umada somaliyeed waxay ku naaloonaysay in mar un la helo dawladnimo sal adag iyo sharci kala dam bayn leh ay dhallato. inaga oo og inaan umada somaliyeed lagaga xilbeeli karin cadiifada qabyaaladeed iyo xadaysiga deeganada ee ina baday heerka dawladino iyo sharci ee aan maanta taagan nahay. Hadaba si aan uga gudubno caqabadaha wawyn ee ku gadaaman curshada dawladnimo ka dhisan xag dhaqaale iyo xag milariba.
Sababtoo ah waxa badanaysa kala dirista barlamaanka iyo burburinta xukuumadii hadba soo baxda taas oo mudo qaadanaysa in lagu jiro tiih dawlad la-aan fawdo iyo qalalaanso siyaasadeed oo aan dhamaad lahayn. Tusaale ahaan hadii aad suuq aad tagto oo aad damacdo inaad dhar soo iibsado waxad quud daraynaysaa inaad iibsato shay kuu qalma.
Waxan taas ulla jeeda waxa kaliya ee u qalma umada somaliyeed ee ay isku maamuli kartaa waa nidaamka madaxtooyada ee ray-aasiga loo yaqaan. Waayo waxan nahay dad ad adag oo si jilicsan lagu maamuli karin. Dadyowga noocaas ah ee dunida ka jira waxa ay isku maamulaan waa nidaamka loo yaqaan ray-aasiga kaas oo maxwaynaha u ogolaanaya inuu awooda oo dhan isagu gacanta u hayo oo isagu noqdo fulinta kaas oo maxwaynaha la xisaab tamayaan golaha sharci dajinta ama baarlamaanka .hagaag.[…]