Dhagar huwan beer laxawsi qabiilaysan iyo maleegida mu-aamardo sirdoon oo halis badan.
Tan iyo markii ay gooni ugoosadka ku dhawaaqeen maamulka somaliland 15kii may 1991dii. Waxa somaliya ka socday qalalanso amni iyo ururo huwan shaati diimeed aan sal iyo raad toona lahayn.
Hadaba maxa ka dhexeya ururadan iyo SNM ?
Si ay u helaan hadafkooda waxay umada somaliyeed u soo adeegsadeen kooxo hadaf koodu yahay ciribtirka wax garadka iyo indhaha bulshada si loo waayo cid is hor taagta doonistooda taasina umada somaliyed waxay u saarin jireen cuqubo haysata iyo qabyaalad.
Hadaba waxad is waydiinaysan qofka qoraalkan daabacay waxa ku jirta cadiifad balse waxan hortiina keenaya cadaymo aad amuur taas uga qanacdan.
Hadaan ka jawaabno su-aasha ah maxa ka dheexaya ururadan iyo SNM?
Waxa daah inaka saarnayd in xirir mogwayn ka dhexeeyo ururada argagixisada ah iyo SNM marka loo fiiriyo weerada argagixisada ay ka gaystan Somaliya iyo dawladaha dariska ah.
Sida la wada og yahay hal mar ayey hargaysa ka dhacay weerar aragagixso taasina waxay daaha ka qaadaysa xirirka ka dhexeya waayo cid kasta oo meleegta dhagar ama mu-aamarad waxay abuurta dhawac ay daaha isaga qariso si aan loo garan.
Warbixin uu daabacay Telefishinka Somaliland 24kii bishaan april ayaa ciwaan looga dhigay Qormadan " Faallada Warka: Puntland oo aan mahadin dagaalka ay ku soo qaaday Somaliland " oo nuxurkeedu yahay. Weerarka argagixiso ee ka dhacay boosaaso ee shirkada almacruuf. Taasina waxay inoo iftiiminaysa xiriirka ka dhexeeya.
Daagaalka ka socda laascaanood wuxu iba fur u noqday suu-aalo aan jawaab loo heli jirin ka hor kacdoonka bulsho ee Sool. Sida aan dhaadanahay wax weerar ah kama dhicin Muqdisho tan iyo intii uu kharxay dagaalkas taas oo iyana inoo noqonaysa Cadayn aan uga sii ama qaadno daraasadeena. Waayo waxay bilaabeen beer laxawsi qabiileed oo aan taariikhda abtirsiga hidaha umada somaliyeed aan meelna ka soo galin si daah loo saaro ciribtirkii bulsho ee ku socday gobolada koonfureed.
Hadaba adi maxay kula tahay? […]