Tariikhdii Suldaan Maxamed Alparslan

Suldaan Maxamed  Alparslan, oo ahaa taliyihii Dawladdii Saljuuqiyiinta ee Waynd, kaas oo kaga adkaaday ciidankii Byzantine ee Manzikert oo albaabada Anatolia u furay Turkiga sannadkii 1071, wuxuu la soo baxay geesinimo, aragti dheeri iyo xeelad dagaal oo aad u heer  saraysa. Haddaba, waa kuma Suldaan maxamed  Alparslan? 


Intaynaan isdul taagin tariitkhda suldaan alparslan aan wax ka ogaano qaabkay u aas aasantay saldanadii salaajiqada.

Saldanadii salaajiqada waxa yagleelay qabiilkii la oran jiray IYI oo ah qaba-ilka asal ahaan turkidu ku abtirsadan qabiilkan ayaa diinta islaamka soo galay sanadii 961dii miiladiga qabiilkan ayaa waxa hugaaminayey hugaamiye la oran jiray saljuq binu duqaaq magaca ninkan waa meesha uu asal ahaan ka yimid magac loo yaqaanay dawladan oo ahaa salaajiqada dawladan ayaa ka soo ifbaxday khuraasan iyo qaybo ka mida eeshiya gaar ahaan dawladaha Usbakistan kazakhstan iyo turkmenistan. Xawaaraha sare ee dawladan isku fidinaysay ayaa ka dhigtay mid ka mid dawladaha miisanka ku leh manqada bariga dhexe dawladan ayaa shaacisay inay tahay wilaayo ka mida dawladii islaamka ee cabaasiyiinta.

Xukunkii salaaqida ayaa waxa la wareegay suldaan la oran jiray tokhrol bey suldankan ayaa wuxu ku guulaysay inuu sii siyaadiyo awoodii iyo haybadii ay lahayd dawladii salaajiqada wuxu furtay deegaano hor leh oo ay ka mid ahaayeen dalalka iiran ciraaq.

Intaa wixii ka danyey waxa hoos u dhac xoog leh ku yimid dawladii cabaasiyiinta waxana sii xoogaysay dawladii salaajiqada hadaba xaajada oo halkaas taagan ayaa waxa dhintay suldaankii tokhrol bey suldankan wax caruur ah ma dhalin sidaas darteed waxa dhaxlay oo xukunkii la wareegay wiil uu adeer u ahaa oo la oran jiray Mahamed alparslan oo ah halyeyga aan maqaalkena ku daah furnay.

Suldaan maxamed alparslan wuxu xukunka la wareegay ayada oo xaalada gudeed ee dawladii islaamka tafaraaruq xoogan soo kala dhex galay dawlada kaliya ee marka cagaha ku tagnayna waxay ahayd dawlada salaajiqada walow uu muran iyo is qab qabsi xoogan soo kala dhex galay amiiradii la dhashay alparslan sida Amiir Sulaymaan sikastaba ha ahaate alparslan wuxu ku guulaysay inuu mideeyo xaalada gudeed ee dawladiisa kabacidna wuxu u dhaqaaqay furashada Anatolia armenia iyo jooriya qaysarkii boqortoyadii  Byzantanda ee Romn doin ayaa garowsaday in hadii salaajiqadu aysidaan ku sii socdan ay la wareegi doonan dhulkiisa ayaa diyaarsaday ciidan tiro ahaan lagu qiyaasay 230kun oo asakari ciidankan oo u soo ruuqaansaday dhanka maagalada xalab nasiibdaro aya goon xalab soo gaarin ayaa lagu hareeryey meelku dhow wabiga anadol waxana xisaar ku sameeyey inan uu dhalay alparslan oo la oran jiray malig shaah halkaas ayaa gambta loogu joogsaday ciidankii byzantandiiniyiinta lagamana harin ilaa laga furtay magaalada Constantinople ee hada loo yaqaan istabuul.hagaag
Previous Post Next Post