Sida aan la wada socono waxa dhalanaysa bishii barakaysayd ee Ramadan Alle Wayne caafimaad iyo barwaaqo ha inku gaarsiiye.
Maanta waxan is dul taagayna is qab qabsiga islaamka dhexdooda ah ee lagu murmo bishii waa dhalatay iyo ma dhalan?
Sidee se u dhalataa bishu maxay se tahay sababta keentay in lagu murmo?
Bisha Soon ka (Ramadaan) waa bisha sagaalaad ee xilli-tirsiga
Hijriga, waxay ka dambaysaa bisha Shacbaan, waa bil cibaado oo la guto mid ka mid ah tiirarka
waaweyn ee islaamka.
Bishaani aad ayey muslimeentu u qadariyaan, waayo waa bishii
uu soo degay Qur’aanku, waa bil shayaadiinta la xir-xiro, waa bil ay
ku jirto habeen ka kheyr badan kun sanno.
Iyadoo sidaas la wada-ogsoon-yahay, nasiib-xumo muslimiintu
maalin qura ma wada soomaan maalin qurana ma wada afuraan, Bal’e waxaa dhacda in ay labo ama seddex maalmood ay kala soomaan oo kala afuraan.
Waxaan og-nahay in xill-tirsiga Hijrigu uu ku jaango’an yahay
wareegga dayaxu uu ku wareegaysto dhulka.
Xilli-tirsiga bil ee dayaxu wuu ka fudud yahay marka lala barbardhigo
kan qorraxda, waana ka daqiiqo yar yahay; waayo, dayaxu waa meere
inoo dhow, dhaqdhaqaaqiisana waxaan ula socon karnaa si aad u
xeeldheer.
Dayax (moon)
Dayaxu waa meere raac san dhulkeenna. Meereyaasha oo
dhami waxa ay leeyihiin dayax ama dayxo (meerayaal ayaa leh hal
dayax ka badan) ugaar ah, aan ka ahayn meerayaasha Dusaa
(mercury) iyo Waxara-xir (venus). Dayax waxa uu sameeyaa wareeg
uu ku soo wareegaysto dhulka, isagu waxa uu maraa tub ugaar ah
celcelis ahaanna waxa ay ku qaadataa 29 beri iyo 5 saac. Dayaxu waxa uu soo baxaa 28 habeen, labo habeenna wuu
maqnaadaa waxa ay soomaalidu u taqaanaa Dibbad, sidaas si la mid
ah waxaa jira 12 burji, 28 god (manaasil) iyo 8 waji oo uu dayaxu
leeyahay. Dayaxu habeen ba god buu dhaxaa, oo xidgta ama ururka xidigaha
uu la fadhiyo ama ka ag-dhow ayaa lagu gartaa in uusan fadhiyin
godkii xalay ee uu u guuray god kale. Dayaxu markii uu dhex-dago
labo xiddigood dhexdooda waxaa loo yaqaan Karmo.
Bishu sidee bay ku dhalataa?
U-kuur-galka iyo daraasaynta falaga xidigisla hawada sare (Astrology star space), waa arrin soojireena
iyo dhaqan sooyaal ah. Taas oo ay ku samayn jireen ummadihii
hore oo muddo dheer ku soo hawlanaa, sida Baabiliyiintii reer
Ciraaq, Shiinihii hore, Faraaciintii reer Masar iyo weliba Soomaali
hore. Iyagu waxay yaqaaniin [meereyaasha] inta ay ishu-qabato sida
qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha u dhow meere. Dayaxu waa meere midab ahaantiisu ay madow tahay oo aanan
lahayn iftiin, waxa uuna Iftiinka ka qaataa qorraxda, dabadeed waa
uu soo daaya inta uu dhitaystay. Qur’aankuna goor hore buu
tilmaamay ishaaradan cilmiga ah.
Dayaxu waxa uu leeyahay siddeed weji (phases/اطوار ,(iyadoo lagu
jaangoynayo inta uu jiro iyo qaabkiisa. Tusaale ahaan bildayaxa
marka ay marayso 14 habeen, dayaxa oo dhan waa wada ifayaa, waana marka uu ugu ifka badan yahay, waxaana loo yaqaan Bil- caddo buux ama caddo-buux (full moon)
Inta badan dadku waxa ay u haystaan in bishu ay dhalato goorta
muuqeeda inoo ku horreysa, dadkuna goortaas waxa ay u yaqaaniin
Bil-dhalad, laakiin sida cilmiga xiddigisku uu sheegayo hal weji baa
ka horreeya uu u yaqaan Isku-toos/Bilcad-la’ (New moon\ ).
Marka aan kala saarayno, waxaan doorbidayaa in aan bildhalad u
isticmaalo sidda dadka badankiis u yaqaan, tan kalena aan u
isticmaalo isku-toos/bilcaddo-la’ (New moon\ /Ø§Ù„Ù…ØØ§Ù‚ ,(si aan uga
fogaano is-herdinta mafaahiimta.
Fiiragaar ah, erey bixintaan [isku-toos/bilcaddo-la’] ma aha erey
cilmiyeed sugan oo af-soomaali ah, waan u waayay isku day aan
sameeyay, waxaan is-leeyahay way ku haboon tahay.
Isku-toos/Bil-caddo-la’ (New moon\ /Ø§Ù„Ù…ØØ§Ù‚ (xaaladaani waxa ay
dhacdaa marka dayaxu uu u dhexeeyo dhulka iyo qorraxda. Dayaxa, qorraxda iyo dhulkuna ay xariiq am saf toosan wada yaalaan. Wjiga
ifa ee dayaxuna uu u jeedo qorrax kan madowna uu dhulkeenna soo fiiriyo. bildayxuna markaas ayay dhalata.
Sida aan horay u soo sheegnay dayaxu waxa uu ku wareegeystaa
dhulka, isagoo sii wata socodkiisa uu ku wareegaysanayo dhulka, qiyaas ahaan xagal dhan 6 ilaa 7 digrii ayuu garab-dhaafaa safkii
toosnaa ay kuwada jireen isaga, dhulka, iyo qurraxdu.
Markaas waxaa inoo muuqanaya qaanso-yar oo xoodan oo if-daciif
ah bixinaysa. Markaan waxa loo yaqaan Bil-dhalad (waxing crescent
moon/
الولید .( Haddii cilmigu uu leeyahay bishu araga kuma dhalato, Su’aasha is- weydiinta mudan waxa weeye, tirsiga bil-dayaxo ma waxa uu ka
bilaaban Isku-toos/Bil-caddo-la’ mise Bil-caddo dhalad ah?
waxa la isku raacsan yahay (dhammaan culumada xiddigiska ee
muslimiinta) in tirsiga bishu uu ka bilaabanayo marka arageeda ugu
horaysa ee la arko (Bil-dhaladka), aan se laga bilaabayn Iskutoos/Bil-caddo-la’,
waayo waa bar-bilow eber ah (Zero), sidoo kale
aan lahayn wax iftiin ah oo ay bixinayso. Tan kaloo inoo caddayn in tirsiga bil-dayaxa laga bilaabayo Bil- dhalad, waa xadiiskii Rasuulka(NNKH) oo ahaa “ku sooma argti
(aragtida bisha), kuna afura aragti (aragtida bisha),”
Maxay tahay sabaabta keentey in lagu murmo?
Sida loo badinayo qadiyadan waxa keena in lagu murmo waa u fiirsasho la-aanta ka
dhalatay habwareega dayaxa ee dadka badankiisu u haystaan in bishu dhalato oo ay
timaado mid cusub waayo dayuxu waa meere ku meeraysta dhulka oo sidaan soo sheegnay
ku wareegka dhulka mudo 29 bari iyo 5 saacadood labada habeen ee soo haryana waxay u qaybsamaan labo meelodba meel
sanadkii waana tiro dhimis iyo tiro buuxis erayadan oo ah qaabka ugu fudud ee aad ku fahmaysaan xaaladaha hab wareega dayaxa..[..]