Diinteenu waxay ka qabtaa barashada cilmiga xidigiha:
(ALLE SUBXANU WATACALA) wuxuu Qur aankiisa ku leeyahay: Suratu yuusuf wusuu ilaahay inoogu sheegayaa sidan ,(وَالْقَمَرَ قَدَّرْنَاهُ مَنَازِلَ حَتَّىٰ عَادَ كَالْعُرْجُونِ الْقَدِيمِ) ("Waxanu u samaynay manaazil ama godad uu dago iyo jid uu ku socdo ilaa uu kusoo laabanayo halkii loogu talagalay").
Sidaa darteed, barashada cilmiga xidigaha waxba Kama qabto diinteenu in labarto, balse waxa uu inoogu sheegay inay xiddiguhu yihiin quruxda samada "" Ilaahay wuxuu ku dhaaranayaa samada iyo Xiddigaha quruxda u saxiibka ah.
Ogoow akhriste in, DIINTEENA SUUBANI AYSAN OGOLAYN shay kasta oo wax lagaga sheegayo QAYBKA ILAAHAY.
Alle Wayne wuxuu leeyahay waxaad tidhaahdaa Nabi alloow Waxba Kama og (قُلْ لَا يَعْلَمُ مَنْ فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ الْغَيْبَ إِلَّا اللَّهُ) Cilmiga Samada iyo Dhulka balse ilaahay uunbaa OG cilmigooda".
Intaa hadii aan kaga gudbo waxay diintu ka qabto, Waxaynu uga hadlaynaa barnaamijkan in aynu ku barano afkeena hodan nimadiisa iyo heerka uu ka gaadhay cilmiga xiddigaha, balse waxaynu iskaga digaynaa xumaantii iyo curaafaysigii loo isticmaali jiray xiddigaha ee faalka badnaa waayo ilaahay cadaabtiisa ayaa lagu mudanayaa hadii lagu dhaqmo wuxuu kaa nahyiyay Nabigeenii subaana S.C.W
HORDHACA GODADAKA DAYAXA IYO XIDDIGISKA
Waxaynu ogaanayna in dhaqankeena meel sare kagaga jiray cilmiga xidigisku
Gabayaagii waynaa ahaana shiikh diinta meel sare ka gaaray ee Xaaji cali majeerten
Wuxu yiri:
"Xidka sheeg ilaah ka xog warmay kala xiriir furan"
Abwaankii waynaa ee Cabdi Gahay (AHU) wuxuu yidhi:
"Affagaale Urur soo baxaan. Uur haween galaye
Hooyadayba Aar gudaya bay, Aragtay waagiiye"
Abwaan haybe (AHU) wuxuu yidhi:-
"Haddaan saxal wareegeysta iyo, Kawshax idin waalin Haddaan cirirka soo waantiyaa, idinku soo weecan Haddaan wahanka Naaf soommanaa, waaban degelkiinna Fooxlaha, faraaciga tarmiyo, faal rogrogitaanka "
Abwaan Xasan ganay waa kii lahaa:-
Faruuryaha runtii diidayee, fidiya daacuunka Fahmo-xumada shicibkii heshiyo ficilkan yaa keenay?
Hal-abuur Weedhsame qudhiisu wuxuu yidhi:
"Garba raar guduudkii ximraha, kooshin garab yaalla gudban iyo garbiyo daalalada, cirirka guurguura jidka gacanle afagaaladiyo, dirirka guudkeena garbi mooro taalliyo god baas, guusha laga raadi !!"
Godadka dayuxu la fariisto xidkaha.
Dayaxu wuxuu soo baxaa 28 habeen, laba heebna wuu dubadaa. Hadba dhawr hab ayaan helay oo 28 GOD magacyadooda loo yaqaanay.
1. Habka koowaad:-
------------------Todobada Raqaha (Guga)
1. Faraaci/Godan/Hoggaan
2. Listan
3.Lixo/Urur
4.Cadcaad/Laxo-kor/gal-gaal/Lax-mar
5. Aggaalli-guduud/Aggaalli-waranley/Saco 6. Aggaalli-cad/Aggaalli-caanood/Saco-ka-dambeye
7. Afaggaal/Durdur
---------------------Todobada Naafaha (Deyrta)
8. Naaf-cade/Canbaar
9. Naaf-madoobe
10. Naaf-sagaaro/Afqeys/Tar
11. Majin/Dhayle 12. Koxdin/Kuxdin-awr
13. Naaso-gaallo/Dirir-dhawr
14. Dirir
------------------Todobada Daalaliga (Xagaaga)
15.Garbo
6.Kabrasan/Garbo-dambe
17.Gudban/Dameer
18.Libees
19. Xoor/Dalaallo-xoorey
20. Mareego dheer/Uur-weyn-dambe
21. Madhan/Baho
------------------Todobada Cirirka (diraacda)
22. Cirir/Faruur
23. Jed/Jed-gabbarre
24. Jed-dhiriqle/Ridmo
25. Jed-gacanle/Ban-horo/Kuman-hore
26. Rad dambo/Kuman-dambe/Jed-dhuruqle
27.Joog-madoobe/Duganti/Cirir-duugato
28. Meecaad/Farangaag/Meccaad-Gibille
Xigasho:- Qoraa, aqoon yahan da yar ah: abdirsaaq husein guuleed
2. Habka labbaad:-
1. Xagaa (summer) is marked by
------------------------Naaf group:
1. Naaf Cadde (white naaf).
2. Naaf Madobe (black naaf).
3. Afqoys,
4. Kuxdin Hore.
5. Kuxdin Dambe, 6. Dirir-day (semi-dirir), and
7. Dirir.
2. Dayr (autumn) is marked by
------------------------Dalalle group:
1. Garbo,
2. Gudban,
3. Lib Casse,
4. Hor Dameer,
5. Hor Cadde,
6. Mareega-Dheer, and
7. Bah.
3. Diraac (winter) is marked by
Faraci group:
1. Faraci,
2. Listaan, 3. Lixo (the six).
4. Cadcad,
5. Saco (the cows),
6. Nujusi, and
7. Afa-gaal or Naasa-Gaal (camel's breasts)
4. Gu (spring): is marked by
Cirir group:
1. Faruuryo,
2. Jid Gabarre,
3. Jid Gacanle,
4. Jid-Dhiriqle or Dheregle,
5. Rab Hore,
6. Gog Madobe, and
--------------------------AFEEF:
Danbi wayn weeye in la aamino quraafaadka iyo wixii qayb ka waramaya ee runx kuu sheego balse waxaynu u baranaynaa inay ahaanjireen Caadooyin iyo Dhaqan jaahili somalideenu kala sinayd wadamada caalamka wakhtigaas.[...]