Tariikhdii iyo gabaydii xaaji aadan axmed afqalooc

Tariikhdii iyo gabaydii xaaji aadan axmed afqalooc...

Xaaji aadan ahmed afqalooc oo lagu naynaasi jiray "afqalooc" sidoo kale lagu naynaasi jiray "afdahab" sida taariikhda lagu wariyo wuxu ku dhashay miyiga ceerigaabo qiyaasta sanadii 1864tii milaatiga oo ku beegan 1331 hiriyada.


Xaaji aadan wuxu ka mid ahaa maansayahanadii somaliyeed ee ku maan soon jiray qaybaha kala duwan suuganta sida gabayda geerarada iyo masafooyinka ama jiiftada.

Alle ha u naxariistee xaajigu wuxu ahaa bad maax ama bad mareen in badan maraakiibta xeebaha hindia marin biyoodka gacanka cadmeen iyo xaabaha mintereeniyaanka u kala gooshi jiray ka shaqaysan jiray.

Xaajigu wuxu gayiga somalida ka tagay sigoo sondon jir ah markaas oo uu tagay wadamada carabta isgoo halkaas ka dagay wananka yaman isagoo wax barasho doon ah sidoo kale wuxu xaajigu waxbarasho u tagay wadanka masar gaar ahaan caasimada masar ee qaahira waxanu wax ka bartay jaamacada azhar  ee masar taas oo markaas ahayd jaamacada ugu qaalisan dunida islaamka iyo gaaladaba.

Xaajigu wuxu ku soo noqday gayiga somaliyeed isagoo mudo 50sanadood ah ka maqnaa waxanu ka soo dagay marsada wayn ee xeebta magaalada berbera oo markaas ingriis haysto oo gumaysto taariikhdu markay ahad 1944 miiladiga oo ku beegan 1381 hijriyada.

Xaaji aadan wuxu lewyahay taariikh mug wayn oo aan maqaal iyo buugaag toona lagu soo koobi karin sidaas awgeed maqaalkan wuxu soo koobaya tariikhda xaaji aadan afqalooc inta ugu mihiimsan

Xaaji aadan wuxu ahaa gabayaa naadir aha gabayadiisi gabay ka mid ah oo cajiib ah ayaan wax ka soo qaadayna si aan u iftiimino qiimaha iyo mustawaha uu bulshada u joogay xiligiisi gabaygan maanta soo qaadanayna waa gabayga ciwaan kiisu yahay. "WAX BADAN BAAN ILAAHOW LAHAA" wuxu yiri.

Wax badan baan ilaahow lahaa noo iftiimi nuure.
Wax badan baan alleelkoo bar tagay aad u daakiraye.
Wax badan baan albaabada tumayoo soo ordooy iriye.
Wax badan baan sidii igarka geel ollolay xeeshaye.
Arnabaan libaax mooday iyo aar habeen gudaye.
Golo iyo qodxaan moodaya awrax iyo seete.
Indho ururay baan doonaya inay aslaaxaane.
Dhego awdmay baan maqal rabaa inay ajiibaane.
Ahmi baan iriiga usidaa waanu se arkayne.
Aboorkuba alleelkuu dhisaa aqalo wawayne.
Markuu ururay daartuu ibyaa la ashqararaye.
Imisa liiruu isku xiray aragte waagiiye.
Iyaguba talyoo idil midnimay kaga adkaadeene.
Ilkuhuba wada jirkooday hilbaha cadad u hooyaane.
Hadii iniinba meel taagan tahay arax ma feentene.
Istiqfaar la-aan laguma helo lib iyo iimaane.
Indhaha isku aragtaan cadowga isaga eega.
Ha ordinina ee xaajada sidii cajilka u raaca.
Ha ekaanina ee talo ninkii oran kara u dhiibta.
Abtirsiinyo reer hebela iyo oday ku faan tuura.
Indha xumadu waa waxa ku ibtilowdeene.
Alla bariga reerkaga waa laga asiibaaye.
Orgigoo qashaba wankuna waa kugu ogaadaye.
Markuu waysha gawrucuu asalay buu eegay dibigiiye.
Araguu ku yiri waxa xiga adiga weeyeene.
Ninkaan gurigu aamin u ahayn eegi waa dibade.
Goortaad afqaashiyo dishaan ayga daba jooga.
Iticmaarka maantaas jahaad ugu abaas qaada.
Ama ragii uu idinka waday eebo kaga goosta.
Ardaal baa gacmaha soo wartee abakh u waydaarsha.
Iimaan hadaa leedohoo aad u dirirayso.
Ushaa haysataan iyo madfacu waa isku itaale.
Axadkii kastaba waa nafqura wuxu ilaashaaye.
Aarkaba kaneecaa cuntoo ay la jiifsadaye.
Ishaarada asqaa lagu helaa aayad kaa maqane.
Ololaha ha daynina xornimo aamus lagu waaye.

Halkaas ayuu ku idlaaday gabaygii cajiibaka ahaa ee xaaji aadan af qalooc alle wayne janada ha u bishaareye.[...]

Previous Post Next Post