Maxay tahay sababta maraykanku uga caga jiidayo la dagaalanka argagixisada somalia

Maxay tahay sababta maraykanku uga caga jiidayo la dagaalanka argagixisada somalia....

Inta ay naan ka jawaabin suu-aashan? Aan dul istaagno taariikhda alqaacida
Markii ay bur burtay dawladii islaamka ee cusmaaniyiinta ayaa waxa wadanka masar ka soo ifbaxay urur la oran jiray akhwaanu muslimiin ururkan oo ujeedadiisu ahayd soo noolaynta dawaldii islaamka..

Ururkii akhwaanu muslimiin ayaa isku fidiyey dalalka xijaas iyo ciraaq iyo yaman isbalaarintan cusub ee ururkan ayaa reer galbeed ka wadnaha shiil ugu riday alleelyada  oo halkaas taagan ayaa waxa dhacday dhacdo saaxada siyaasada bariga dhexe iyo eeshiya dhanka kale u rogtay..

Reer galbeedka oo wadnaha farta u haya ayaa midowgii soviet soo weraray afgaanistan arinkan ayaa reer yurub iyo maraykanku ka arkeen labo fursadood oo fursada kowaad ay tahay in laga hortago isbalaarinta midowga soviet fursad labaadna ay ahayd in dalalka islaamka xamaasad la galiyo si ay ula dagaalamaan soviet union..

Dhagartan oo dalalka islaamku ku dheceen ayaa soo dad dajisay soo ifbaxa alqacida markii laga adkaaday midowga soviet ee laga saaray saaxada eeshiya ayaa waxa soo dhowaatay fursadii reer galbeedku ay ku suurad xumayn lahayeen islaamka CIA maraykanka ayaa mashruuc aysoo diyaariyeen quburo milatary ka hawl galiyeen afganistan mashruucan oo madax looga dhigay nin la oran jiray Usaama bilaadin waxana laga hawl galiyey dhamaan dalalkii ka qayb qaatay dagaalkii ruushka ee islaamka aha iyada oo ururkan loo galiyey shaatiga akhwaanu muslimiin waxana ururkan qayb ka ahaa xumno la aas aasay markii uu socday dagaal waynihii labaad ee dunida xubnahaas oo ahaa ardadii hanfari jaajuuskii ingriiska ee loo soo diray magalada dimishiq..

Inaas hadaan isla fahanay waxan garan karnaa sababta maraykanku uga maag maaganayo ciribtirka alqaacida arinta kale ee maraykanka iyo reer galbeedka ku riixaysa inay argagixisada garab siiyaan waa in laga cabsi qabo in ay soo ifbaxdo awood ay yeelato dawald somaliyed
Oo markaas aan loogu gooja dayin arimeheeda masiiriga ah..[...]
Previous Post Next Post