Sidee loo burburiyaa bulsho loogana dhigaa jiil wiiqmay

Sidee loo burburiyaa bulsho loogana dhigaa jiil wiiqmay..

Si aad u bur buriso umad uma baahnid inaad ku weerarto gantaalaha ridada dheer ama hubka sida ba an wax u gumaada ee nuclearka kaliya waa inaad ka weerarta dhanka dhacanka dhalinyarada tacliinta iyo diinta.. Tani waa mid kaliya ee reer galbeedku inaku wadeen tan iyo qarnigii 18aad ilaa qarnigan 20aad..

Tusmo gaara gayigeena somalia saan caduhu wuxu soo gaaray qarnigii 18aad waqtigaas oo dawladihii dunidu ay ku loolamayeen kacdoonka warshadaha iyo wax soo saarka dalaga oo xiligaas ahayd weapon power oo hadba dawladii wax soo sarkeedu bato ayaa dunida u arimnaysay taas oo ku riixday dawladihii reer yurub inay isku balaariyaan qaarada africa
Iyo badwaynta hindia saandacihii ugu horeeyey ee gayigeena soo garay wuxu ahaa faransiiska oo ka cararayey in burtqiisku isku balaariyo marin biyoodka gacanka cadmeed faransiiska oo quudaraynayey inuu bada cas ka samayso saldhigyo milatari si uu dunida u tuso awoodiisa badaha hindia iyo bada cas balse isku daygaas wuxu noqday hal bacaad lagu lisay kolkay soo ifbaxday awood uusan xisaabta ku darsan..Somalida oo ahayd xilgaas xadaarada kaliya ee ka jirta geeska africa oo hugaaminaysay ganacsiga africa oo bacayac mushtarkeedu gaarayey ilaa gala gaaro jayna hindia iyo bariga dhexe ayaa faransiisku ku bararugay kolkuu arkay weraro kaga socda dhanka africa..

Kolkaas ayuu wuxu qorsheeyey inuu la wareego gacanku haynta geeska africka iskana wiiqo weerarada kaga imaanaya wuxu soo qaaday weeraro sadex jiho ah 16 doon yood oo shiraacan ayuu wuxu ka kala  dajiyey barbara caluula iyo muqdisho  taariikhtu markay ahayd 30kii bishii october 1895kii weraradaas oo kala jaray xiriirkii dhanacsi ee hindia Kolkaas ayey somalidu dib isku abaabuleen oo waxay kala wareegen gacan ku haynta bada cas halkaas oo uu ku iba beelay damicii faransiiska. Amitaas oo saldanadii cumaan ay sii wiiqday wixii ku haray gacanka suways iyo bada mediterranean ka..

hadaba aan u soo daadagno dulucda maqalkeena tan iyo xiligaas reer galbeedku kama dhamaan geeska africa gaar ahaan somalia somalidu waa qomiyada kaliya ee ku dhaqan geesk africa oo diinta afka dhaqanka iyo midabkaba wadaagta sidaas darteed saancadiihii gayigeena soo gaaray si walba uu isgu dayey inuu ina dhalan rogo oo uu si jujuuba inoo laqsiiyo dhaqamadiisa iyo diintisa iyo afkaarihiisaba way u cuntami way day guuldaradii uu kala hoyaday sidaas awgeed waxay isla qaateen in somalida habayartee sidaas wax looga badali karin oo ay yihiin dad ad adag oo si dhayal ah aan loo dhafoor taaban karin..

Waxay diwaan galiyeen in somalida la dhex galo oo laga galo dhanka dhalinyarada dhaqanka iyo dul duleel walba oo ay sahashadeen qorshahaasna wuu u hirgalay wayadan danbe dhalinyarada somaliyed waxa ku soo badanaysa dhaqan xumo heerkedu sareeyo waxa loo baahan yahay waciyi galin aan loo kala harin Inaan iska wacyi galino dhaqan xumada ku soo badanaysa social media aha inaan iska wacyi galino afkaarta cadiifada qabyada iyo wax walba oo hoos u dhigaya qiyamka iyo jiritaanka umadeed.[…]

Previous Post Next Post