Qaaradda yurub ayaa wajahaysa abartii ugu xumayd mudo laga joogo 500 oo sano

qaarada gabowday ee reer yurub ayaa wayahasa xaalad abaareed xoogle

Qaaradda yurub ayaa wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo laga joogo 500 oo sano, iyadoo saddex meelood labo ka mid ah qaaradda ay ku jiraan xaalad feejignaan ama digniin ah, taasoo yaraynaysa isku socodka maraakiibta gudaha, wax soo saarka korontada iyo wax soo saarka dalagyada qaarkood.

Bishii lasoo dhaafay ee august hayada kormeerta arimaha abaaraha ee qaarada yurub waxa ay sheegtay in 47% qaaradda yurub in lagalshay xaalad degdeg ah sababa laxiriira yaraanshaha biyaha ee soo wajahay qaaradda, sidoo kale waxaa lagalshay xaalad digniin dhirta iyo keymaha yurub 17% ayadoo loo sababeynayo gubashada joogtada ah.

Abaarta ba'an ee saameysay gobollo badan oo yurub ah ayaa siifideysa kanasii daraysa tan iyo bilowgii bishaan aan ku jirno ee august, Inta badan yurub waxay wajahday heerkul kuleyl oo sareysa taas oo ugusii dartay xaaladii abaarta aheyd ee kajirtay yurub waxayna sababtay gubashada keymaha iyo in biyaha ay sifudud u uumi baxaan.

Sidoo kale waxaa hoos udhacay wax soosaarka dalagyada kala duwan ee ay qaaradu caan ku aheyd , sidoo kale waxaa hoos udhac kuyimid korantada laga dhalin jiray wabiyaasha qaarada taas oo kadhigan in muwaadiniin badan ay waayi doonaan koronto bilaash ah. 

Markay intaas oo caqabado ah isku raaceen qaarada waxay dhab ahaantii gashay xaalad abaar oo aysan horay u arag taarikhdeeda.

xigasho: xuquuqda warbixintan waxa hel deegan oo ah madal warbaahineed 
Previous Post Next Post