maxa sababay guuxa gooni u goosadka somaliland
Intaynaan ka jawaabin guuxa gooni u goosadka somaaliland waxa lagama maar maan ah inaan dib u jaleecno taxanaha taariikhda islamarkana aan wax Ka xusno sababihii dhaliyey israaca gobaladii koonfurta iyo waqooyiga
Dagaal wayinihi labaad ee dunida kadib somalia waxa hareeyey daruur gobanimadoon mahadoo dhan eebe ayey u sugnaatay waxase abaal leh hadafkii halganka guusha soo hooyey oo ay amba qaaden ururadii SYL iyo SNL
himilada labada urur oo yool koodu ahaa heeryada gumaysiga in laga dul qaado somali wayn loona horseedo midnimo lagu hirto waxay noqotay miro dhal lagu najaxay sabankii xoriyad doonka ee somalida ay saaqday shucuurtii wadaniyada Abwaan barkhad cas oo reer hargaysa ahaa ayaa ku maansooday
Wahay shantoo is weheshadtaa wacnaydaa calan inay wadaagtaa cawnaydaaSanadihii 1940kii ilaa 1960kii somalida meel kastoo ay aduunka ka joogtaba waxay si dhaba uga xoroowday afkaarta ku dhaqanka cadiifada qabyaalada waxayna u guntatay hirgalinta himilada wada jirka iyo walaaltinimada taas oo saldhig iyo fure u ahayd guushii gobanimada israaca muqdishiyo hargaysa
Shucuurtii is jacaylka iyo isxurmaynta somalida oo meel sare gaaray darteed ayaa gobolada waqooyiga waxa booqasho rasimiya ku yimid laba masuul oo ka kala socday ingriiska dabayaqadii kontanaadkii waxa hargaysa yimid duclogester oo 12 bishii novenbar 1958dii xagariga ka jaray garoonka diyaaradaha ee hargaysa markale bishii February 1959kii waxa hargaysa booqasho ku yimid wafti uu hugaaminayo wasiirkii isticmaarkii ingriiska Mr allan lennox boyd
Wada hadalo dhexmaray isaga iyo hugaamiyayaashii ururadii xornimadoonka kadib wuxu tibaaxay inaysan dawladiisu waxba ka qabin hadii biritish somaliland ay lamidoobayso italyan somalia
Sanadkii 1960 oo lagu magac daray sanadkii dabaysha xoriyada qarada africa inlaba gobol oo somalia ay midooban oo ay dhalato jamuriyada somalia waxay noqotay mid lagu guulaysay
Sidaas darteed booqasahdii Allan lennex boyd waxay manqada geeska africa ka abuurtay jawi hor leh oo ka duwan kii hore durbadiiba waxa si wayn uga carooday boqor xayla salasihii itoobiya ugu horaybtiina wuxu la shiray safiiradii ads abba u fadhiyey maraykanka ingriiska iyo Yugoslavia iyo masar wuxuna u muujiyey sida dawaldiisu uga xun tahay yabooha wasiirkii ingriiska uu ku tibaaxay in lamideeyo somali wayn
Bishii abril 1960kii raysal wasarihii ingriiska Mr harold macmillan wuxu barlamaanka dalkiisa ka ansixiyey hindise go-aankiisu noqoday dubihii araxda ka jabiyey midowgii somali wayn Markuu ka qudbanayey golaha barlanaabka dalkiisa wuxu yiri sidaan
Hor majest's government do not, and will not, encourage or support any claim affecting the territorial of french somaliland,kenya or EthopiaNuxur ahaan marka la turjumo wuxu ku jaan go-anyahay hadalkaasi xukuumada boqortooyada ingriisku hada iyo mustaq balkaba ma taageerayso dhulku sheegasho kasta oo saamaysa dhamaan xuduudaha kenya iyo ethopia go-aankii ka soo baxay white house england wuxu ku qotomaa haba yaraatee inaan marnaba la ogolaan in somali wayn midowdo
Taas oo dhabaha u sii xaartay inay ku guul daraystaan siyaasiyiintii majaraha u qabtay somali wayn inay dib u saxahaan go aankii dawlada ingriiska ay ku raali galinaysay xabashida
Hadaba si looga hortago hadimada hindisihii raysal wasaare macmillan darteed golihii barlamaanka daakhiliga ee waqooyiga ayaa shir ka yeeshay arinkaas 6-dii bishii april ee 1960kii waxa si buuxda laysugu waafaqay in si sharuud la aan ah loo mideeyo somali wayn iyada oo sirkaas lagu magacabay wafti isku dhaf ah oo ka kala socday SNL iyo USB iyaga oo loo diray xaga magalada muqdisho 16kii bishii afraad 1960
waxa xamar ku shiray ergadii waqooyiga ka timid iyo ergo laga xulay SYL xaraarada xiisaha somalinimada oo xiligaas aad u saraysay darteed ragii loo xilsaaray inay ebyaan unugii aasaas ka u noqon lahaa midnimada somali wayn iga aan si daxadar leh uga baaran dagin arimo u baahnaa in si khoto dheer loo lafa guro
Waxay si fudud isugu raaceen qodobadan
- Madama somalida ay ka midaysan tahay diin luuqad iyo hido iyo dhaqan midab islamar kaana aysan jirin wax deeganadeeda kala qaybiya sida bad wabiyo iyo buuro koonfur iyo waqooyi waa in si sharuud la aan ah ay ku midoobaan
- in jumuuriyada somalia ay tahay qaran dhankasta midaysan oo leh madaxayne raysal wasare iyo baarlamaan ka kooban 123 mudane 90 waa inay yeelataa koonfurya xaga waqooyigana loo qoondeeyey 30 caasimada jamuuriyadu waa muqdisho dalkuna wuxu u qaybsan yahay 8 gobol 6 koonfurta ayey dacaan 2 waqooyiga ayey dhacaan inlasku dhafo ciidamada iyo shaqaalaha u kala shaqeeya labada isticmaar
Run ahaadii way ka baxsan tahay moorda maan galka waayo waa go aan u baahna in lagu qoro safaxada taariikhda lana diwaan galiyo si ay ugu naaloodan jiilasha ka danbeeya xata dawaldihii ka danbeyey ma kaydin si maalin kale dib loogu noqdo waxna looga badalo.[…]