Gabaygan mar waa dhiiri galin marna wuxu tilaamaya taariikh dunida islaamka baal dahab ah kaga jirta oo ah ciidankii jabiyey tataarkii mangooliya ee dunida markaliya ku faafay sida dabasha tariikhdaas oo ah dagaalkii caynu jaaluud ee uu hugaaminayey halyeygii iyo xidigii islaamka salaxudiin all ayuubi..
Tismooyin midnimda lagu taaba galo waa tix galisaane ku tartama tashiga in toos loo wadoo lagu tilmaanado
Nimaan tiisa taabanin tukale uguma teeraarsho tub walboo guuli taabataa waa ninkii taliyey maantaase
Tixkaloo macnuhuu taa ka yahay toobiyaha gaarnay waxan madax tabanteebinaa waa tashi nagu guraarnaaye
Somalidaa is wada tuhun tahay baan u toog tirinaynaa inaan tabacno maantaase
Tub kalloo wax lagu taabaya aan teelka la cadeeyo
Diriirtii warmaha lasugu talamay ee laku tabar beelay ciidan toban malyuun ka badan tuwantiin makay jabisay tataarkii caqligu taaban kari waaye
Tabintaan lajoogaba ciidamada waa lagu tababaraa diriirta maantaase tacliin iyo waxay noqotay culuum lasku taabilo e
Tusaalooyinkaas taban ka badan waxan idinku teeraarshay gole loo talamay oo wacyiga lagaga faalooday lama tiiciye waqiis waa loo toog hayaa guul taawilkeed galay