Tariikhdii saldanaddii Muwaxidiin

Tariikhdii saldanaddii Muwaxidiinta: Ee ka ariminjirtay As-hal iyo maqrib Oo hayd saldanad xoogan oo ku dhisan nidaamka shareecada islaamka.

Hordhac

Saldanadda Muwaxidiintu waxay ahayd mid ka mid ah saldanadihii Islaamiga ahaa ee ugu awoodda badnaa uguna saameynta weynaa ee soo maray Waqooyiga Afrika iyo Jaziiradda Iberia (Andalus). Waxay ka dhalatay kacdoon diimeed iyo dhaqdhaqaaq isbeddel doon ah oo horseeday curashada quwad siyaasadeed iyo militari oo awooddeeda lagu tixgeliyo qarnigii 12aad. Muwaxidiintu waxay ahaayeen dad rumeysan fikirka tawxiidka buuxa, waxayna magaca "Al-Muwahhidun" ka dhigan tahay "kuwa Alle kali u ah."




Soo Ifbaxa iyo Aasaaskii Saldanadda


Bilowga Muwaxidiintu wuxuu ku saleysnaa fikir diimeed oo uu horkacayey Ibn Tumart (d. 1130), oo asal ahaan ka soo jeeday qabiilka Masmuda ee Berberka. Wuxuu culuumta diinta ku bartay Maka, Baghdad, Ka dib, wuxuu dib ugu soo laabtay Marooko isaga oo wata aragti adag oo ku saleysan dib u soo celinta saxda ah ee Islaamka, gaar ahaan xoojinta kalinimada Ilaahay (tawxiid).


Ibn Tumart wuxuu cambaareeyey dhaqamada uu u arkay in ay bidco iyo fasaad yihiin, waxaana uu si toos ah u dhaleeceeyey Saldanaddii Murabiyiinta oo xilligaa ka talinaysay As-hal iyo maqrib. Wuxuu saldhig ka dhigtay magaalada Tinmalal ee buuraha Atlas, halkaas oo uu ka aas-aasay dhaqdhaqaaq diimeed iyo mid militari.


Ka dib dhimashadii Ibn Tumart, hogaanka waxaa la wareegay saaxiibkiisii Abdul-Mu’min bin Ali, kaas oo ka dhigay dhaqdhaqaaqa mid rasmi ah oo saldanad noqota. Wuxuu bilaabay in uu qabsado magaalooyin waaweyn sida Marrakesh, Fes, iyo Algiers, wuxuuna curiyay saldanaddii Muwaxidiinta qiyaastii sanadkii 1133kii miiladiga.


Ballaarinta Saldanadda iyo Awoodda Muwaxidiinta


Saldanadda Muwaxidiintu waxay ku fidday:

Waqooyiga Afrika: Marooko, Aljeeriya, Tuunis, iyo galbeedka Liibiya

Andalus (Spain iyo Portugal): Gaar ahaan koonfurta Spain sida Sevilla, Córdoba, Granada, iyo Toledo

Awooddii Muwaxidiintu waxay gaartay heerkii ugu sarreeyey intii uu xilka hayey Caliph Abu Yusuf Yaqub al-Mansur (1184–1199). Wuxuu xukumay dawladda qaan-gaadhay ee leh nidaam maamul, ciidan xooggan, dhaqaale kobcay, iyo dhismooyin qurux badan oo ilaa maanta taagan.


Dagaalladii Taariikhda Galay


1. Dagaalkii Alarcos (1195)

Wuxuu ka dhacay koonfurta Spain, wuxuuna ahaa dagaal u dhexeeyey Muwaxidiinta iyo boqortooyada Castile. Caliph al-Mansur wuxuu halkaa ku gaadhay guul weyn, isagoo ka adkaaday boqor Alfonso VIII ee Castile. Guushan waxay xoojisay mowqifka Muslimiinta Iberia muddo kooban.

2. Dagaalkii Las Navas de Tolosa (1212)

Dagaalkan wuxuu ahaa mid xasuus gaar ah leh, wuxuuna calaamad u noqday bilowgii burburka Muwaxidiinta. Waxaa hogaaminayey caliph Muhammad al-Nasir, oo wajahaya isbahaysi weyn oo ka kooban boqortooyooyinka Castile, Aragon, iyo Navarra. Inkasta oo ciidankii Muslimiinta uu tiro badnaa, guuldarro weyn ayaa la kulmay, taasoo keentay in ay lumiyaan goobo muhiim ah oo Andalus ku yaallay.


Qaab-Dhismeedka Dawladda iyo Dhaqanka

Muwaxidiintu waxay dhiseen nidaam dawladeed oo adag, oo ku saleysan mabda’a ah in califka yahay hogaamiye diimeed iyo mid maamul. Waxay xoogga saareen cilmiga, dhismaha masaajidda, suugaanta, iyo falsafadda. Magaalooyinkii ay xukumayeen sida Marrakesh iyo Sevilla waxay noqdeen xarumo aqooneed iyo dhaqan.

Muwaxidiintu waxay sidoo kale lahaayeen golaha anshaxa iyo fidrada oo ahayd  culimo aqoonta diinta heersare ka gaaray, iyadoo ay mamnuuc ahayd in laga leexdo wadada xaqa ah iyo tawxiidka. Nidaamkooda wuxuu lahaa tiro badan oo muhtasibyo (kormeerayaal suuqyada iyo akhlaaqda) ah.



Hoos-u-dhacii iyo Burburkii Saldanadda


Guuldarradii Las Navas de Tolosa kadib, saldanaddu waxay gashay marxalad daciifnimo iyo khilaafyo siyaasadeed. Gobollo badan ayaa iska madax-banneeyey, waxaana kacay saldanado cusub sida Banu Marin (Marinids) oo Marooko ka talin jiray. Andalus-na waxay si tartiib tartiib ah u gashay gacanta boqortooyooyinkii Kirishtanka.

Saldanadda Muwaxidiintu waxay si rasmi ah u dhammaatay bartamihii qarnigii 13aad.


Gabagabo


Saldanaddii Muwaxidiintu waxay ahayd mid leh saameyn weyn oo taariikhi ah, iyada oo isku darsatay fikir diimeed adag, awood militari, iyo horumarin bulsho. Inkastoo ay si degdeg ah u burburtay, haddana raadkeedii wuu sii nool yahay — laga bilaabo dhismaha magaalada Marrakesh ilaa taariikhda Andalus oo wali laga hadlo ilaa maanta. Waa tusaale cad oo u muujinaya cid kasta oo u haysta in diinta iyo siyaasada la kala ilaaliyo waayo nidaamka duqmuraadiga ama fedaralaysimka kuma hanboona umad islaam ah  oo isku midab ah waxan u bahanahay dhalinyaro fikirka reer galbeedka ka xorowda.

Previous Post Next Post