Maxa ka socda manqida geeska africa gaar ahaan aagan agaagaarada somaliland iyo ugaadeenia?
Si aan taas u fahano aan istultaagno siyaasadaha indhahla ee mandiqada iyo maamulada somalida ee aan u dhisnayn mabaadiida danaha umadeed iyo khadaraha ku gadaaman xayndaabkan.
Waxa aan idin ka diimoonayn in itoobiya ay sanadihii ugu danbaysay ku celcelinaysay waxaan rabnaa bad xaqyaana u leenahay
Ma is waydiisay itoobiya waxay dhisan tahay ku dhowaad 500 boqol oo sano waligeedna bad kuma riyoon
Ma iswaydiisay sababta ay bada hada raadinayso u qaadan wayday waayihii gumaystayaasha reer yurub manqdiqadan ku amar taaglaynayeen itoobiyana la kool koolinayey
Ma iswadiisay ingriisku markuu ugaadeeniya ku xudumayey fursad dahabiya ayey u haysatay inay qaadato biyaha gacanka cadmeed ma waxa jirtay cid ka hor taagnayd haday jirtay cid ka hortaagnayd may ka dhiidhiyaan ugaadeeniya
Waxaan idiinku duur xulaya saad u fahan taan waxa hada socoda iyo halka ay ka soo askumeen
Maamulka soomaliland iyo maamulada ishuwan ee feedaraalka isku sheegay.
Si aan u fahano sartu halka ay ka quruntay waxan is bar bardhigaynaa labo qolo labaadaas oo soomali wada ah balse midwalba shaadi uusan lahayn loo huwiyey
Somaliland waa maamulka jira waqooyi bari soomalia waxay goooni goosad ku dhawaaqeen 1991 dii kuwaas oo qaatay calan uu ku xardhan yahay tawxiidka illahay marka laga soo tago calanka lagu xarday tawxiidka waxa ka jira systemka soo horjeedka tawxiidka si toosa uguma dhaqmin tawxiidka ay astaanta ka dhigteen.
Dhanka kale gobolada bari iyo gobolada waqooyi oo jaamo jaamo maamulo ah ka jiraana waxay qaateen nidaam baadil ah oo aan u cuntamin umad diin dhaqan iyo madab iyo afba wadaagta waa faderalasim e
Hadaba xagee sartu ka quruntay.
Somaali habkasta waa lagu dayey ayaduna daabkii lagu jarayey ayey ahayd.
Intii uu socday kacdoonkiii carabta iyo unkankii reer galbeedku unkay alqaacida iyo dagaalkii sirdoonka ee dawladihii xambaarsanaa aragtida shuuciyada iyo reer galbeedka ay isku haysteen bariga dhex.
Ayaa mar qura waxa mandiqada geeska africa ka soo baxday dawlad calankeedu ku xardhan yahay tawxiidka islaamka taas oo taagan fagaarayaasha caalamka kuna haysa ha nala aqoonsado, ayaa dawladihii awlaba isku haystay burburinta islaamka iyo xadaarada iyo qiyamka umadaha islaamka waxay arkeen qoladan daba taagan way wada dhugteen.
Waxay ulla muuqdatay dawoco huwan haragii raqdii lagu goobtay ma aysan xaalayn mawaaqiftii xiligaas taagnayde hawshoodii ayey iska sii wateen ayaga oo ilna isga eegaya dawacada ila ku cunnaya raqda.
Midka mid xaywaanadii markaas raqda cunayey kaas oo intuu dhargay jijimicsanaya ayaa wuxu fiiriyey dawacadii daba taagnayd mise wuxuba dawco ma ahee waa mid ka mida walalaha raqda ay cunayaan intuu saa u fiiriyey ayuu yiri adigana markii gaajo iqabato ayaan ku cuni doona.
Maqaalkan waxaa uu daaran yahay waxa fahmi kara siyaasi abqari ah oo la socoda dacdooyinka isdba jooga ah ee maanta ka socoda dunida gaar ahaan mandiqadan aan ku noolnahay.
Mar iri dadkaan wa Islaam ahalu towxiid ah, Marna iri axaadiista iyo wacdigu kuma arooraane, Marna iri arkaantii bay hayaan agabsigeediiye, Misna iri waxaan uurka jirin bay ku andacoodane, Mar iri kurtiba wa isku odey ehel walaalaahe, Misna iri Ajaaniib kulmiyo ururis weeyaane, Mar is iri dadkaan aramku helay juuqna ha u orane,
(Abwaan jaama kadiye) jano iyo raxmo aan dhanaan allaha siiye.