Gabaydii sayidka gabay ka mida oo jiinlay layiraahdo


 Dagaalladii waaweynaa ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex maray iyo goobihii ba'naa 

ee laysku helay oo ay ka mid ahaayeen Afbakayle, Caanaxarigle, Oodagooye, 

Fardhiddin, Beerdhiga, Cagaarweyne iyo Daratoole markay dhaceen, intaas oo 

gooboodna ay Daraawiishi ku wada lib heshay, xaruntuna markaa taallay 

Wardheer iyo Walwaal, Ingiriis, Talyaani iyo xabashina dagaalka Daraawiisheed 

u heshiiyeen nin kastaba itaal meeshuu ku gaaro, dagaal iyo dirirna loo 

guddoonsaday, ayaa Sayidku u yeeray nimankii qusuusidda ahaa oo uu la tashan 

jiray. Wuxuu u jeediyay talo oo wuxuu yiri:

Xoolaha aynu haysanno waxaa u foolaada fardo iyo geel, dalka aynu joognana 

waa oomane haddii go'aan biyaha Wardheer iyo Walwaal inakuma filla, 

cadowgeeniina koo ma ahee waa kan, ee maxaynu yeellaa?

Taladii haddii la falanqeeyey ninkii tiisa loo guuxay wuxuu yiri: “Dad cadaabeed, 

dal cadaabeed baa laga galaa.” Hadalna wuxuu ugu ku iblabeelay in ergo loo diro 

boqor Cismaan, xaashi afdheerna loo sii dhiibo, lagana afdhowro, waxaana ka sii 

horraysay in Sayidku xoolo badan u diray boqorka, gabarna ka doonay.

Dhowr toddobaad ka dib ayaa ergadii soo noqotay iyagoo boqorkii ka sida xaashi 

uu ku leeyahay: “Soo guura garab iyo gaashaanba wayga helaysaane, saddex hal 

oo Bari leeyahayna ugu soo guura:

1. Buur dagaalka looga gabbado.

2. Biyo maatada iyo xoolaha kuugu noolaadaan.

3. Bad, dab, hub iyo xoolaba laga helo.”

Daraawiish haddii warkaasu soo gaaray, rarkii caykay hoosta ka geliyeen Bari iyo 

boqor bayna foolka saareen. Inkastoo ay Daraawiishi dhexda kala kulantay 

weerarro aan la filayn oo xagga Ingiriiska ka yimid, hayaan, harraad iyo kulaylna 

wax gaarsiiyeen, waxay tageen Nugaal.

Ingiriisku markuu taa maqlay ergo ayuu u diray Boqorkii wuxuuna ku yiri: 

“Haddii aad Daraawiish wax la qabsato ama taageerto, baddana waannu kaa xiri, 

dagaalkana adiga iyo iyaguba isku mid baad tihiin, dhulkaaga in lagu 

dagaallamana kuuma roona”. Taasi Boqorkii cabsi bay galisay sidaas daraadeed 

Daraawiish waa ku ballan furay, colna waa ka hor geeyay. Dabadeed Daraawiishi 

dhinaca koonfur bay u leexdeen iyagoo hal daan dheera iyo faras qoore-gooye ah 

ama geenyo ruqa ah mooyee xoole kale ka, ayay waxay ka tageen Ayl iyo afaafka 

Nugaaleed meel la yiraahdo Gelingaalle. Sayidku  isagoo ka faallanaya rafaadkii 

gaaray yo dhibihii lasoo maray iyo ballanfurkii Boqor iyo duunyadii ka luntay 

ayuu gabay mariyey. Wuxuuna yiri:



Xuseenow jikraar lama hadlee, jaalkay baad tahaye

Adaan iga jadeer wicin, markuu jaahilkii didaye

Jahnoo adaan qaban markuu, jiitay gacalkaaye

Raggaan gaalo jeefaafi waa, ehel jaxiimaade

Jahannama inay galeyaan, weygu jaamaca e

Adaa jamalka soo raray markay, janan u guureene

Junna weeye ruuxaan ahayn, jaadka aad tahaye

Dadka kale ka jeestaye, adaan jaarri kuu ahaye

Waxaan kaa jarreereynhayaa, sanada jiilaale

Sagal jiidan caad jilicsan iyo, jarar hillaacaaya

Onkad jow leh, daad soo jimray, jahada oo khiintay

Jowjowlihii xalay sidii, jibin u guuxaayey

Jirka da'ay jalleysaha gugii, hara jidhaamowday

Jidhimaha afkaa marahayiyo, jababka ceegaaga

Jaqaqarida geedaha noqdiyo, xamashka oo jiiqle

Sidii jaawo dhane loo shubaan, jeelka kaa bi'ine

Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jowhartii gabaye

Jawiskayga maqal caawa, waan jalalabayaaye

Jundigii xigaaliyo anoo, jooga gurigeyga

Anigaan jareexiyo iyo xumaan, juuq la ii orannin

Anigaan rag ii soo jifraday, jil iga qaadeynin

Anigoo jalaalada dhigtoo, diinta jibanaaya

Anigoo jameecada galoo, jaaruun xarunteyda

Anigoo wixii aan jantaba, jimic la ii siiyo

Jamradii adduunyada anoo, jimicnimaw haysta

Karuur jagagaclayn iy o anoo, jaanaka fuudahaya


Anigaan jarraysimo hunguri, la iga jeeqaanin

Jaanjaanni baa iga khatalay


Haddaan Boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene

Jirku ima xanuuneen hadduu, jog I leeyahayee

Jeclaantaan u qabay baan u tagay, jaankii badihiiye

Jeer baa Ilaah ii qaddaray, jiirahaan maraye

Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane

Waxse igu jirrabay waa, ninkii jookha ii lulaye

Cayuun jalalowleyn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey

Jaamus lo’aad iyo raggaan, jimir aruu dhiibay

Amaan lacag jiriidaa furoo, jeebka uga buuxshay

Waxaan gool jinaad weyn qaloo, joome uga gooyey

Xeeraha jiriidhaa waxaan, jaari ugu qaaday

Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey

Waxaan ilaxir jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey

Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey

Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamadduu shaahshay

Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhowraayey

Inay jarax abaala iiga dhigi, laabtu jirin meyne

Jisadeyda Eebbaan ka heli,  talaba waa jeere.

Xigamad news

It is a local media that will operate in accordance with the law in Somalia

Previous Post Next Post